Lamu (KAAB TV) -Shan askari oo ka tirsan booliska Kenya ayaa lagu dilay halka 8 kalena ay dhaawacyo culus soo gaareen kadib markii ay dagaalamayaal katirsan kooxda Alshabaab ay weerar ku qaadeen deegaanka Rakei ee keynta Boni, ee ku taalla gobolka Lamu.
Sida uu xaqiijiyey Taliyaha Booliska ee Lamu, Wesley Koech, warbixinno hordhac ah ayaa sheegaya in in ka badan 70 xubnood oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ay isku dayeen in ay ka gudbaan xadka Bodhei-Lamu iyaga oo sii maraya Garissa, balse ay la kulmeen ciidamo ka tirsan kooxda howlgallada gaarka ah ee SOG (Special Operations Group).
Intii uu socday iska horimaadku, waxaa isla goobta lagu dilay shanta askari, halka kuwa dhaawacmay loo qaaday magaalada Nairobi si loogu helo daryeel caafimaad oo degdeg ah.
Weerarkan ayaa ka dhacay masaafo saddex kiiloomitir u jirta magaalada Lamu. Taliye Koech ayaa sheegay in Al-Shabaab ay u muuqato in ay damacsanaayeen in ay gudaha u galaan xadka si ay u fuliyaan weerarro argigixiso oo halis ah.
Weerarkan ayaa yimid bilo kadib markii Shabaabku ay baaritaan ku sameeyeen qayb ka mid ah deegaanka Lamu, iyadoo dadka deegaanka ay sheegeen in uu qeyb ka ahaa qorshayaal la doonayay in lagu weeraro.