SO | EN

SO | EN

Alshabaab oo weerar qaraxyo ku bilowday ku qaaday deegaanka Wargaadhi

|

Wargaadhi (KAAB TV) – Kooxda Al Shabaab, ayaa saakay weerar culus oo ku bilowday qaraxyo baabuur laga soo buuxiyay, waxa ay ku qaadeen saldhig ciidanka dowladda Soomaaliya iyo kuwa dadka deegaanka ku lahaayeen deegaanka Wargaadhi ee gobolka Shabeelaha Dhaxe.

Sidoo kale, Qaraxa kaddib waxaana xigay weerar toos ah oo labada dhimac dhexmaray, kaas oo ugudambeyn kooxda Alshabaab ay kula wareegeen deegaanka Wargaadhi ee gobolka shabeellaha dhexe, balse ciidanka xoogga oo adkeysi muujinaaya ayaa dib ula wareegay Wargaadhi, waxaana hadda ku sugan ciidanka dowladda.

Dhanka kale, macadada khasaaraha dhimashada iyo dhaawac ee ka dhashay weerarka saakay Al Shabaab ku qaaday deegaanka Wargaadhi.

Deegaanka Wargaadhi ee Al Shabaab saakay weerareen ayaa ahaa taliska ugu weyn ee xilligan ciidanka dowladda kaga sugnaayeen gobolka Shabeelaha Dhaxe, waxaana saldhigan joogay ciidamada kumaandooska Danab iyo Gorgor, waxaana ku yaallay garoomo diyaaradaha wax duqeeya ay ka duuli jireen.

Sikastaba, madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa marar badan horey u tagay una joogay deegaanka Wargaadhi ee saakay weerarka xooggan lagu qaaday, waxa uuna deegaankan hadda ahaa taliska ugu weyn ee ciidamada, marka laga soo tago Aadan Yabaal oo dowladda laga qabsaday.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News