Masaajid Caligaduud (KAAB TV) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya weerar qaraxyo ku bilowday ay saakey kooxda Alshabaab ku qaadeen degmada Masaajid Caligaduud ee gobolka Shabeellaha dhexe.
Sidoo kale, weerar qaraxa kaddib ayaa waxaa xigay in dagaalyahano katirsan Alshabaab ay gudaha ugaleen saldhig ciidanka dowladda halkaas ku lahaayeen.
Dhanka kale, wararka ayaa intaas ku daraya in haatan gacan ku heynta degmada Masaajid Caligaduud lawareegeen kooxda Alshabaab, ayna nolosha ku qabteen askar katirsan ciidanka dowladda, iyagoo sidoo kale, halkaas ka furtay iyo rasaas.
Sikastaba, Alshabaab ayaa bishaan Ramadaan xoojisay weerarada ay ku qaadaan saldhigyada ciidanka dowladda ay ku leeyihiin gobolada shabeellaha dhexe iyo gobolka shabeellaha hoose, iyadoo maalmo ka hor sidaan oo kale lawareegay gacan ku heynta Awdheegle ee gobolka shabeellaha hoose.