SO | EN

SO | EN

Alshabaab oo weerar qaraxyo ah ku qaaday degmada Masaajid Caligaduud

|

Masaajid Caligaduud (KAAB TV) – Al-shabaab ayaa saakay weerar culus oo ku bilowday baabuur waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ku qaaday deegaanka Masaajid Cali Gaduud ee gobolka Shabeelaha Dhaxe, halkaas oo saldhigyo ku lahaayeen ciidanka xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka.

Sidoo kale, Weerarka qaraxyada ku bilowday kaddib ayaa la sheegay in rag hubeysan oo aad u badnaa weerar toos ah ku qaadeen deegaanka Masaajid Cali Gaduud, waxaana halkaasi ka qarxay dagaal toos ah oo labada dhinac dhax maray.

Dhanka kale, kooxda Al Shabaab ayaa gudaha u galay qeybo kamid ah deegaanka Masaajid Cali Gaduud, waxaana wali halkaasi lasoo sheegayaa in ay ka socdaan dagaal xooggan oo u dhaxeeya kooxda Al Shabaab iyo ciidankii deegaankaasi joogay.

Ciidamo katirsan dowladda Soomaaliya oo gurmad ah ayaa ku baxay deegaanka Masaajid Cali Gaduud, waxa ayna ciidamada isku dayayaan in ay soo afjaraan kooxda Al Shabaab ee saakay weerarka kaddiska ah kusoo qaaday deegaankaasi.

Sikastaba, Al-shabaab ayaa horey looga saaray deegaanka Masaajid Cali Gaduud, waxaana deegaankan in muddo ah ku sugnaa ciidanka dowladda iyo kuwa macawuusleyda deegaanka, waxa uuna weerarkan imaanayaa xilli Madaxweyne Xasan uu joogo farumaha hore ee dagaalka gobolka Shabeelaha Dhaxe..

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News