Sabiib (KAAB TV) – Al-Shabaab, ayaa saakay weerar culus oo ku bilowday qaraxyo ismiidaamin ah ku qaaday xerada ciidanka xoogga dalka ku leeyihiin deegaanka Sabiib ee hoostaga degmada Afgooge ee gobolka Shabeelaha Hoose.
Sidoo kale, qaraxyada kaddib, kooxda waxa ay weerar toos ah ku qaadeen xerada Sabiib, waxaana halkaasi ka socda dagaal xooggan oo u dhaxeeya kooxdii weerarka ku qaaday xerada ciidamada iyo sidoo kale ciidankii halkaasi joogay.
Dhanka kale, dadka deegaanka ayaa ku warramay in ay maqlayaan rasaas culus oo ay is dhaafsanayaan labada dhinac ee dagaalku u dhaxeeyo, waxaana adag ilaa hadda in la ogaado xaalada xerada weerarka culus saakay Al Shabaab ku qaadeen.
Sikastaba, Khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay weerarka saakay lagu qaaday xerada ciidamada ku leeyihiin Sabiib, lamana oga ilaa hadda inta ay la egyihiin khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee labada dhinac kala gaaray.