MOGADISHU (KAAB TV) –Amar culus oo uu todobaadkii hore soo saaray Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa shaqeyn waayay, isaga oo markaas 48 saac u qabtay shirkadda dhiseysa laamiga Zoobe oo haatan dhibaato wayn ay ku qabaan shacabka mara waddadaas.
Muungaab oo kormeer ku tagay dhismaha Laamiga Zoobe ayaa sidoo kale ka raalli geliyay ciriiriga ka dhashay dhismaha waddadan iyo dib-u-dhaca ku yimid, wuxuuna kadib soo saaray mar 48 saac, kaas oo illaa iyo hadda aan dhaqan-gelin, waxaana weli culeys uu ka taagan yahay waddadaasi.
“Waxa aan ka xumahay saxmadda ka dhalatay dhismahan, waana ka warqabnaa cabashadiinna. Sababta dib-u-dhaca ayaa ah in aan dhisno laami tayo leh oo aysan biyuhu fariisan karin. Waa in 48 saac gudahood laamigaan lagu furo,” ayuu yiri Duqa Muqdisho.
Arrintan ayaa keentay walaac xooggan iyo tabasho ay qabaan shacabka, waxaana si weyn maamulka gobolka loogu dhaliilay inuu ka gaabiyay inuu fulo amarkaas.
Guddoomiyaha Hay’adda Hormuud Salaam Foundation Cabdullahi Nuur Cismaan oo qoraal soo saaray ayaa baaq u diray guddoomiye Muungaab, wuxuuna ka codsaday inuu mar kale kusoo laabto waddada, uuna arko dhibaatada haatan ka jira halkaasi.
“Amarkii Duqa Magaalada Muqdisho ee dhawr maalin ka hor ee ahaa in 48 saacadood lagu furo Jidka Zoppe, ma fulin. Aad ayaana loogu Dhib qabaa xirnaanshaha Jidkaas ee Duqa haku soo laabto” ayuu yiri Cabdullahi Nuur Cismaan.

