SO | EN

SO | EN

Umulisanimada ma tahay shaqo qofkasta qaban karo ama lagu aamino karo?

|

MUQDISHO (KAAB TV) – Xirfadda umulisanimada waa mid ka mid ah xirfadaha ugu muhimsan qaaradda Afrika iyo dunida oo dhan, iyadoo ay jiraan baahi caalamku u qabo umulisooyin leh xirfad iyo aqoon.

Soomaaliya, oo ah dal burburay, ayaa wajahaya xaalad ay liidato tayada adeegyada caafimaadka. Waxaa yar tirada dhakhaatiir iyo umulisooyin leh aqoon. Waxaa weli dalka ka jira umuliso dhaqameedyo ka umuliya haweenka, kuwaasoo mararka qaar geysta halis – sida dhimashada carruurta – markay dhalanayaan.

Sida ay qortay Hay’adda Caafimaadka Adduunka WHO, Soomaaliya ayaa ka mid ah waddamada leh heerka ugu hooseeya ee dhakhaatiirta marka loo eego tirada dadka. Sida ku xusan warbixino kala duwan oo hay’adaha caafimaadka bixiyeen, Soomaaliya waxaa la sheegay in celcelis ahaan halkii dhakhtar oo Soomaaliya jooga ay tahay inuu daweeyo 20,000 ilaa 25,000 qof, taasoo ah tiro xad dhaaf ah.

Yaraanshahaas waxaa sababay arrimo ay ka mid yihiin colaadaha daba-dheeraaday, kaabayaasha caafimaad ee liita, iyo dhibaatooyinka dhaqaalaha, taasoo dhalisay in daryeel caafimaad oo heerkiisu sarreeyo loo waayo dad badan.

Sahro Ibraahim Cumar, oo ka mid ah umuliyooyinka tirada yar ee bartay xirfadda ka umulinta haweenka, ayaa KAAB TV uga warrantay caqabadda ka jirta adeegga umulisooyinka iyo sida xal loogu heli karo.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News