Amniga Baydhabo oo faraha ka sii baxaysa.

|

Baydhabo: Waxaa lagu dilay wiil dhalinyaro ah, iyadoo ay sii badanayaan dilalka loo geysto dadka ku nool magaalada Baydhabo. Qaar ka mid ah xaafadaha magaalada ayaa la sheegay in dadku uga qaxeen cabsi laga qabo amni-darro iyo dilal.

Wiilka la dilay ayaa la sheegay inuu ku sugnaa mid ka mid ah xaafadaha Baydhabo. Sida wararka la helayo, waxaa loo dilay taleefankiisa kadib markii uu diiday inuu u dhiibo kooxdii hubaysnayd. Intii uu dhacayay falkaas, ayaa la sheegay in rasaas lagu furay, taas oo keentay inuu halkaas ku geeriyoodo.

Alle ha u naxariisto marxuumka. Magaciisa ayaa lagu sheegay Jamaal Xasan Nuur.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News