SO | EN

SO | EN

Amniga Golaha shacabka oo faraha ka baxaya iyo xildhibaano cabsanaya

|

Muqdisho (KAAB ) Buuq badan ayaa  ka dhashay fadhi Golaha shacabka ay ku lahaayeen xarunta Villa Hargaysa ee magaalada Muqdisho markii gudaha xildhibaanada ay la galeen hub fudud.

Xildhibaano ka tirsan Golaha shacabka ayaa sheegay in arintan ay keeni karto in aan la isku halayn karin amniga oo khatar ay ku jirto nafta mudanayaasha Barlamaanka Soomaaliya.

Mudanayaasha qaar ayaa soo jeediyay in muhiim ay tahay in Guddoonka uu xil gaar ah iska saaro wax ka qabashada amniga mudanayaasha  Golaha maadama ay soo noq noqotay arintan.

Xildhibaan Ilyaas Sheekh Axmed oo hadal ka jeediyay Villa Hargeysa ayaa sheegay inuu faraha kasii baxayo ammaanka xarunta, loona baahan yahay in wax laga qabto.

Dhankiisa Guddoomiyaha Golaha shacabka Aadan Madoobe ayaa sheegay in arrintan laga heshiiyay, hadda kadibna xildhibaankii xadgududub sameeya lagu qaadi xeerka u yaalla.

Xildhibaanada Golaha shacabka ee Barlamaanka Soomaaliya ayaa dood adag ka lahaa  qodobo xasaasi ah waxaana  ka dhashay  arimahaas buuq iyo gacan ka hadal, taas oo saameysay habsani u socodkii howlihii golaha.

 

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News