Muqdisho (Kaab TV) – Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay António Manuel de Oliveira Guterres ayaa saaka oo Talaado ah Muqdisho ku yimid booqasho kooban, isagoo kulan la qaatay madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Abshir Cumar Jaamac ayaa ku soo dhoweeyay Guterres garoonka diyaaradaha Muqdisho. Guterres ayaa roog cas loo dhigay garoonka Aadan Cadde markii uu kasoo degey diyaaradda.
Waxaa saaka wada xiran guud ahaan waddooyinka magaalada Muqdisho iyadoo gaadiidka iyo xitaa dadweynaha lugeynaya laga mamnuucay in waddooyinka maraan sababo la xiriira amniga oo aad u liita iyadoo dhowaanahan ay caasimada ka dhacayeen weeraro khasaare sababay. Iyadoo lagu guda jiro bisha Ramadaan ayaa xirnaanshaha waddooyinka waxay saameyn daran ku yaalatay nolosha ku dhowaad 3 milyan oo ruux oo ay ku jiraan barakacayaasha ku nool caasimada dalka ee Muqdisho.
Madaxa Qaramada Midoobay ayaa madaxtooyada kula kulmay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre. Sidoo kale waxa uu socdaal ku tagi doonaa magaalada Baydhabo ee caasimadda KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed oo 240km dhanka koonfureed kaga beegan magaalada Muqdisho.
Joint Press Conference by President @HassanSMohamud and Secretary-General of the @UN António Guterres after their meeting at State House, Mogadishu, this morning. pic.twitter.com/0IaFqDzYC9
— Villa Somalia (@TheVillaSomalia) April 11, 2023
Magaalada Baydhabo iyo deegaanada ku dhow dhow ayaa waxaa ku yaalla xeryo waaweyn oo ay ku nool yihiin dadka ka soo barakacay abaaraha iyo amni darada ka jirta gobollada koonfurta oo inta badan weli ay ka taliyaan kooxaha al-Shabaab.
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Guterres ayaa markii ugu horeysay booqday Soomaaliya bishii March ee sanadkii 2017-kii.
FM Abshir Omar Jama welcomed today in #Mogadishu the Secretary-General of the United Nations, Mr. Antonio Guterres, who is visiting the country, noting the importance of the visit to hold political, security, development and humanitarian talks.#Somalia #Somali #UN #UNSG pic.twitter.com/ME6S3gVvQx
— Ministry of Foreign Affairs 🇸🇴 (@MOFASomalia) April 11, 2023
Gaajo iyo macluul
Safarka Guterres ayaa ku soo beegmaya iyadoo dalka ay ka jirto abaaro ba’an oo dad gaaraya 8.3 milyan oo qof, oo u dhiganta ku dhowaad kala bar dadka, ay wajahayaan gaajo iyo macaluul.
Waxaa sii dheer dhibaatada, roobabkii xilliyeedka ee bishii Maarso oo horseeday fatahaado galaaftay nolosha 21 qof iyo barokacay in ka badan 100,000. Waxaa weli laga digayaa in roobabku aysan u badneyn in ay ku filnaan doonaan wax soo saarka beeraha.
Soomaaliya ayaa sanadkii 2011-kii waxaa ku dhuftay macluul ay ku dhinteen 260,000 oo qof, in ka badan kala bar ay ahaayeen caruur ka yar lix sano jir, taasoo qeyb ka ah in beesha caalamka aysan si degdeg ah wax uga qaban, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.
Warbixin ay Qaramada Midoobay iyo dowladda Soomaaliya soo saareen bishii March ayaa lagu sheegay in laga yaabo in abaartu ay horseedday 43,000 oo “dhimasho xad dhaaf ah” sannadkii hore, iyadoo carruurta ay da’doodu ka yar tahay shanta sano ay yihiin kala bar dhibbanayaasha.
Amni darri baahsan
Waxaa dhanka kale Soomaaliya hareeyay amni la’aan baahsan, oo ay ugu sii daran tahay magaalada caasimada ee Muqdisho halkaasoo weerarada kooxaha argagixisada ay joogto ka yihiin, iyadoo sidoo kale dowladdu ay wado guluf dhiig badan ku daatay oo lagu doonayo in lagu baabi’iyo kooxaha argagixisada.
Soomaaliya oo weli ah mid ka mid ah dalalka ugu faqiirsan adduunka, ayaa waxaa hareeyey tobannaan sano oo dagaallo sokeeye ah, rabshado siyaasadeed iyo kacdoono dhiig badan ku daatay oo ay geysanayaan kooxda xiriirka la leh Al-Qaacida ee al-Shabaab.
Al-Shabaab ayaa inta badan weerarada kaga aarguta weeraro dhiig badan ku daato oo ay ku qaadaan goobaha ciidamada iyo magaalooyinka, iyadoo hoosta ka xariiqday in kooxdu ay sii wadi karto weerarada ay ku beegsaneyso goobaha rayidka, siyaasadda iyo ciidamada.
Warbixin uu bishii February u gudbiyay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayuu Guterres ku sheegay in sanadka 2022 uu yahay sanadkii ugu dhimashada badnaa ee soo gaara dadka rayidka ah ee Soomaaliya tan iyo sanadkii 2017-kii, taasoo inta badan ka dhalatay weerarada al-Shabaab.
Waddanka ugu musuqa badan dunida
Booqashada Guterres ayaa ku soo beegantay iyadoo Soomaaliya ay kaalinta ugu hooseysa ka gashay qiimeynta 2022-ka ee la xiriirta musuqmaasuqa ee ay sameysay hay’adda Transparency International ee fadhigeedu yahay magaalada Berlin ee dalka Jarmalka oo baaritaan ku sameysay 180 dal.
Colaadda aan dhammaadka lahayn ee ka jirta Geeska Afrika ayaa ah sababta ugu weyn ee musuqmaasuqa, iyadoo argagixisada, caburinta xorriyadda saxaafadda, xasillooni darro siyaasadeed, midda bulsho iyo tan dhaqaale, iyo xorriyadda hadalka oo maqan ay sabab u noqdeen in isla xisaabtanka uu meesha ka baxo.
Musuqmaasuqa ayaa gabi ahaanba ka socda nidaamka dowladda Soomaaliya. Laga soo bilaabo nidaamka garsoorka, adeegga bulshada, maamulka, booliiska, maamulka canshuuraha iyo socdaalka, sharciga, kheyraadka dabiiciga ah, iibka dowladda, iyo xitaa bulshada rayidka ah. Aafadu waa mid aan la joojin karin.
Dalku wuxuu si joogto ah u soo maray heerar saboolnimo oo aad u daran, iyadoo ay dheer tahay abaartii ugu xumayd muddo 40 sano ah. Xaaladdan waxay abuurtay jawi uu musuq-maasuqu ku kobcayo taasoo Soomaaliya ka dhigtay mid aan soo jiidan karin hay’adaha gargaarka ee caalamka.
Inta badan, hay’adaha dowliga oo aan sida fiican u shaqeynin ayaa lagu eedeeyaa musuqmaasuqa sii socda sababtoo ah waxaa hareeyay maamul-xumo. Khubarada musuqa ayaa sheegeysa in habab sharci ah oo wax looga qabanayo xaaladda oo aan jirin darteed ay ka dhigtay musuqmaasuqu inuu sii ahaado mid baahsan.
Bishii Disembar 2021, Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed ayaa shaqada ka joojiyay ra’iisul wasaarihii xilligaas Maxamed Xuseen Rooble, sababo la xiriira musuqmaasuq iyo ku takri-fal dhul.
Kadib bishii May 2022, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa mar kale loo doortay madaxweynaha dalka. Xasan Sheekh ayaa si weyn loogu eedeeyay musuq maasuq baahsan, xayiraado lagu soo rogay warbaahinta iyo ku takri-fal awoodeed mudadii uu xafiiska joogay. Waxaa hadda markale dib u soo laabtay musuqa, ku takri falka awoodda dowladda iyo boobka dhulka danta guud.