SO | EN

SO | EN

AQOONSI YAA BIXIN KARA? – QORMO GAABAN

|

Waa faallo kooban oo ku aaddan sida uu aqoonsiga dowladaha u shaqeeyo, iyo gaar ahaan kiiska aqoonsiga Israa’iil ay aqoonsatay Somaliland.

1) Waa Maxay Aqoonsi?

Aqoonsi (Recognition) marka laga hadlayo xiriirka caalamiga ah, waa marka dal uu si rasmi ah u qirto in hay’ad ama dhul kale uu buuxiyay shuruudaha dalnimo ama uu leeyahay dowlad sharci ah, isla markaana uu diyaar u yahay inuu ula macaamilo sida dal ama dowlad rasmi ah.

Aqoonsigu waa marka dal uu si rasmi ah u aqbalo dal kale inuu yahay dal madax-bannaan. Aqoonsiga ka bacdi waxaa xiga tallaabooyin sida in safiiro la is dhaafsado, iyo safaarado labada dhan ah.

2) Aqoonsigu ma Go’aan Siyaasi ah baa Mise Waa Wax Kale?

Aqoonsigu waa GO’AAN SIYAASI ah, oo ay dowlad gaarto. Waxaa fuliya ama meelmariya waaxda siyaasadda ama xukuumadda ee dalka wax aqoonsanaya.
KIISKA SOMALILAND: Xukuumadda Israa’iil ee uu hoggaamiyo RW Netanyahu ayaa ka mas’uul ah go’aanka siyaasiga, iyada ayaana ku dhawaaqday.

3) Qaramada Midoobay ma Diidi Kartaa Haddii Dal uu Aqoonsado Dal Kale?

Maya. Qaramada Midoobay kuma jirto waajibabyadeeda shaqo inay diido, ogolaato go’aan siyaassadeed oo dal kale gaaray.

Tusaale: UK, France, Canada, iyo illaa 130 waddan ayaa aqoonsaday Falastiin, laakiin USA iyo Israaiil ayaa diiday, haddana lama joojin, oo sidaas ayay ku meelmartay.

4) Maxaa Tallaabo ah oo QM Qaadi Kartaa Haddii Dal la Aqoonsado, Laakiin dowladaha kale ay Diidaan?

Waxba. Kaliya waxaa furan in kulan la qabto, oo la cambaareeyo sidii dhacday labo habeen ka hor oo 14 waddan ay cambaareeyeen kiiska aqoonsiga Somaliland. Laakiin lama cunaqabateyn karo, mana jirto ganaax ama ciqaabo kale oo ka dhalanaya in dal QM ku jira, sida Israa’iil, uu aqoonsado dal kale, sida Somaliland — xitaa haddii Soomaaliya oo ku jirta QM ay diiddo.

5) In Dal la Aqoonsado iyo inuu Xubin ka Noqdo QM Maxay ku Kala Duwan Yihiin?

Waa labo arrimood oo aan shaqo isku lahayn. Marka dal cusub la aqoonsado, sidiisa ayuu dal ku yahay, laakiin inuu ku biiro QM waxay u baahan tahay: (1) inuu soo codsado xubinnimo (application); (2) in xubnaha Golaha Amniga oo 15 xubnood ah ay u codeeyaan oo ugu yaraan 9 waddan ay aqbalaan; (3) in golaha guud ee QM la geeyo, oo 2/3 xubnaha guud oo ah 193 waddan ay u codeeyaan, taasoo ka dhigan in 129 cod ay tahay inay “HAA” ugu codeyso.

Haddiise xubnaha 5ta waddan ee haysata Diidmada Qayaxan (Veto) ee Golaha Amniga uu mid ka mid ah “VETO” ku diido ka doodista codsiga xubinnimada waddanka cusub, sidaas ayuu codsiga ku burburayaa. Loomana gudbinaayo codsiga xubinnimada Golaha Guud.

6) Waddan Xor ah oo Dowlad Haystaa oo aan ku Jirin QM ma Jiraa?

Haa. Falastiin waa dowlad la aqoonsan yahay oo safaarado ku leh caalamka, mana haysato xubin buuxda oo QM ah. Kaliya waxay Falastiin ku fadhidaa QM sida “korjoogto” ama “observer” ahaan.

Sidoo kale, Taiwan, Kosovo, iyo Western Sahara ayaan ku jirin QM laakiin waa waddamo ay dowlado aqoonsadeen, adduunkana ku leh matalaad.

Gunaanad, aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland waa rasmi marka lagu fiiriyo curfiga diblomaasiyadda caalamiga, waana “VALID”. Meel looga noqdo ma jirto illaa ay Israa’iil iyada ka noqoto ama Somaliland laf ahaanteeda ay ka tanaasusho ka gooni noqoshada Soomaaliya.

W/Q: Abdalle Ahmed Mumin

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News