Aqoonsiga Somaliland ee maanta ay aqoonsatay Dowladda Israa’iil waa tallaabo muhiim ah oo wax ku ool ah oo loo qaaday nabadda, amniga, iyo caddaaladda Geeska Afrika. Go’aankani waa mid ka weyn siyaasad. Waa qiritaanka xaqiiqo siyaasadeed oo ay qaabeeyeen taariikh ku saleysan adkeysi, iyo rabitaan cad oo ka yimid dadweynaha ku soo caana maalay xasilloonida, ismaamul dimuqraaddi ah, iyo amni in ka badan soddon sano.
Aqoonsiga Jamhruuriyadda Somaliland ma aha oo kaliya go’aan siyaasadeed; ee waa qirasho akhlaakhi ah oo taariikheed, naf huritaan, iyo xuquuqda guud ee ay dadka u leeyihiin inay ku noolaadaan nabad iyo karaamo.
Marka bulshooyinka loo oggolaado inay go’aamiyaan mustaqbalkooda siyaasadeed iyagoo adeegsanaya habab nabad iyo dimuqraadi ah, natiijadu waxay inta badan noqotaa xasillooni guud oo weyn, colaadaha oo yaraada, iyo iskaashi xooggan oo dhexmara derisyada.
Marka aan sidaas leeyahay uma hadlaayo sidii qof bannaanka ka yimid ee waxaan ahay qof ku dhashay gudaha Soomaaliya oo ku soo koray xilligiiyadii ugu naxdinta badnaa ee 1990-meeyadii. Waxaan si toos ah u arkay rabshadihii, burburkii dawladda, iyo dhibaatadii loo geystay dadka rayidka ah. Waa xilligaas markii ay Somaliland ka baxday midowgeedii ay la gashay Soomaaliya, ka dib xasuuqii naxariis darrada ahaa ee ay u geysteen ciidamadii Soomaaliya.
Waaya-aragnimadaasi waxay i bartay shakhsiyan macnaha dhabta ah ee cadaalad darrada. Waxay sidoo kale qaabeeyeen aaminsanaantayda aan aaminsanahay in aan bulsho lagu qasbin inay ku sii jirto nidaam siyaasadeed oo u horseeday rabshado joogto ah iyo xuquuqdooda oo loo diido.
Gobolkeenna, Geeska Afrika, wuxuu u baahan yahay xasillooni. Maanta kooxaha argagixisada, kooxaha dambiilayaasha ee abaabulan, masiibooyinka cimilada, iyo amniga cuntada oo sii xumaanaya ayaa khatar weyn ku haya nolosha dadkeenna.
Soomaaliya waa inay qirtaa oo ay aqbashaa qaranimada Somaliland. Dhammaanteen waan ogayn in tani ay imanayso – in maalin uun Somaliland ay xor noqon doonto ugu dambayntiina tii ayaa timid.
Muqdisho waa inay soo dhaweysaa oo ay ugu hambalyeysaa Somaliland tallaabadan muhiimka ah ee aqoonsiga. Dadka reer Somaliland waa walaalaheenna, ma aha cadowgeenna. Waxaan wada qabsan karnaa waxyaabo badan oo wanaagsan iyada oo loo marayo is-ixtiraam iyo wadahadal dhexmara Muqdisho iyo Hargeysa. Labada dhinacba waa inay furaan albaabka wada-shaqeynta wax dhisaysa, iskaashiga gobolka, iyo mustaqbal lagu dhisay wada-noolaansho halkii la is inkiri lahaa.
Aqoonsiga Somaliland ma tirtiraayo taariikhda ay wadaagaan DADKEENNA – taariikhda ku salaysan ehelnimo iyo walaalnimo; Tani waxay u oggolaan doontaa labada shacab inay hore u socdaan iyagoo sharfan oo hadaf cad leh.
Mar labaad, anigoo ah qof ka soo jeeda bulsho la kulantay dulmi, waxaan si adag u aaminsanahay inay tahay xuquuqda dad kasta, qaran kasta, iyo waddan kasta inuu yeesho go’aan-qaadasho.
Nasiib wacan iyo hambalyo Dadka #Somaliland!

