SO | EN

SO | EN

ARAGTIDA: Hubka Puntland keensatay iyo xiisadda siyaasadeed ee taagan

|

MUQDISHO (KAAB TV) – Dadka ku nool Muqdisho ayaa muujiyey dareenno kala duwan kadib markii warbixino sheegayaan in Puntland ay soo dejisay hub iyo rasaas Jimcihii ka yimid dhanka dalka Itoobiya.

Arrintani waxay imaaneysaa iyadoo khilaaf u dhexeeya Dowladda Federaalka ee Soomaaliya iyo Puntland uu sii xoogeysanayo, iyadoo Puntland aysan aqoonsaneyn hogaanka hadda jira ama Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud.

Shalay, Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa cambaareysay Itoobiya, iyadoo ficilkooda ku tilmaantay “xadgudub” waxayna dalbatay faahfaahin.

Si kastaba ha ahaatee, dowladda federaalka weli ma aysan soo saarin wax cambaareyn ah oo ku saabsan hubka iyo rasaasta ay hay’adaha kale ku soo dejisteen Muqdisho.

Xaaladdan soo korortay waxay sii adkeysay xiriirka sii xumaanaya ee u dhexeeya Muqdisho iyo Puntland, taasoo dhalisay su’aalo la xiriira awood qeybsiga iyo midnimada qaranka.

Barnaamijkeena AMIIRO IYO MAANTA, waxaan idin soo gudbineynaa codadka muwaadiniinta Muqdisho, iyagoo la wadaagaya aragtidooda ku aadan arrintan xasaasiga ah oo saameyn weyn ku yeelan karta siyaasadda iyo amniga dalka.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News