SO | EN

SO | EN

ARDAA: Tahriibka dhallinyarada Puntland oo xad dhaaf noqday

|

GAROWE (Kaab TV) – Waxaa sare u kacay tirada dhallinyarada ka tahriibeysa deegaanada Puntland ee safarka halista u qaadanaya si ay u gaaraan dalalka Yurub.

Illaa hadda ma jirto cilmi baaris laga sameeyay arrintan, hase ahaa waxaa jirta in maamulka dowladda, dhallinyarada, haweenka iyo qeybaha kale ee bulshada ay si weyn uga walaacsan yihiin qulqulka baaxadda leh ee dhallinyarada ka tahriibeysa sannadkan 2025.

Kaab TV ayaa dood ku qabatay magaalada Garowe ee caasimadda Puntland, halkaasoo xubno ka socda booliska, haweenka, aqoonyahanka iyo dhallinyarada ay ka qeyb qaateen.

Koore Geelle oo ka mid ah dhallinyarada ku nool Garowe ayaa sheegay in shaqo la’aanta baahsan ay tahay sababta ugu weyn ee hadda keentay in si badan ay dhallinyaradu ay dalka uga baxayaan.

“Waxaa jira shaqo la’aan baahsan, iyo inaan loo sinneyn shaqada,” ayuu yiri.

Wuxuu sheegay in dhallinyarada wax soo bartay aysan heli karin shaqooyinka yar ee jira iyadoo inta badan ay jiraan musuq iyo shuruudo ay qabyaalladu ka mid tahay oo caqabad ku ah dhallinyarada.

Gaashaanle Sare Cabdirisaaq Ismaaciil Darwiish, taliye ku xigeenka booliska Puntland ee dhanka arrimaha xriirka dadweynaha ayaa sheegay in booliska ay la socdaan in tiro badan oo dhallinyaro ay tahriibeen, balse ay wadaan wada shqeyn ay la wadaan ururrada bulshada rayidka oo ku aaddan wacyigelinta halista tahriibka.

Gaashaanle Sare Darwiish ayaa sidoo kale tibaaxay inay jiraan kooxaha wax tahriibiya oo si xad dhaaf ah usoo badanaya, kuna hawlan ka shaqeynta daabulka sharci darrada ee dadka.

Booliska Puntland ayaa qabtay illaa 1,601 kiis oo la xiriirta tahriibinta dadka oo ka dhacday gudaha Puntland intii u dhexeysay 2017 – 2024.

Booliska waxay sidoo kale burburiyeen illaa 6 koox oo ah shabakadaha wax tahriibinta.

Abshiro Axmed Maxamed oo ka tirsan wasaaradda shaqada ee Puntland ka tirsan ayaa sheegtay in ayaandarro ay tahay in dhallinyarada tahriibka aadday qaarkood aan lagu heyn nolol iyo geeri kadib markii ay qaateen safarka halista ee badweynta.

“Way jirtaa shaqo la’aan, hase ahaatee ma jirto sabab ku kalifeysa qofka inuu safar halis ah oo badda u qaato,” ayey tiri Abshiro.

Waxyaabaha maqan ayaa waxaa ka mid ah in dhallinyarada kasoo baxaysa dugsiyada sare iyo jaamacadaha aysan aaminsaneyn inay iyaga shaqo abuuran karaan, balse ay doonayaan inay dad u shaqeeyaan.

“Waa dhibaato taagan in dadkoo dhan ay doonayaan inay dad u shaqeeyaan oo aysan iyaga shaqo abuuran karin oo aysan keeni karin hal abuur,” ayey tiri Abshiro.

Nashaad Maxamuud oo ka mid ah haweenka aqoonyahanka ee Puntland ayaa ku tilmaantay inay sababaha ay ka mid tahay in dhaqaalaha dalka uu hoos aaday, isla markaana aysan jirin fursado badan oo ay heli karaan dhallinyarada.

Waxay Nashaad sheegtay inay qaar badan oo dhallinyarada aysan rabin shaqooyinka hoose markay dalka joogaan, balse ay tagaan Yurub ay ka shaqeeyaan shaqooyinka hoose.

“Waa in dowladdu wax ka qabato kooxaha ka ganacsada tahriibinta dadka,” ayey tiri Nashaad.

Qaar ka mid ah ka qeyb galayaasha doodda oo ah dhallinyaro lagu soo casumay doodda ayaa iyaguna keenay su’aalo taabanaya caqabadda ay wajahayaan dhallinyarada ku nool Puntland.

Musuqa iyo rajo beelka soo wajahay dhallinyarada, iyo dowladda masuuliyiinteeda oo wata baasabooro ajnabi ayaa sidoo kale la tibaaxay inay dhibaatada ku qasbaysa dhallinyarada inay dalka ka cararaan ay qeyb ka tahay.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News