SO | EN

SO | EN

ARDAA: Dimuqraadiyeynta Puntland ma horseedi doontaa madax haween iyo dhallinyaro ah?

|

GAROWE (Kaab TV) – Ku soo dhawow barnaamijka doodda ee ARDAA ee Kaab TV.

Barnaamijkan waxaa lagu soo bandhigi doonaa mowduuca muhiimka ah ee “Dimuqraadiyeynta Soomaaliya”.

Toddobaadkan waxaan si gaar ah looga hadli doonaa su’aasha ah “Doorashada qof iyo cod ah ma u horseedi kartaa haweenka iyo dhalinyarada inay ku guuleystaan xilalka sare ee Puntland?”

Waxaa ka qeyb galaya barnaamijka:

  • Xildhibaan Golaha Deegaanka degmada Garowe, Khadro Dr. Carabey
  • Xildhibaan Maxamuud Xuseen Jaamac, oo ka tirsan xildhibaanada golaha deegaanka ee Degmada Galdogob
  • Agaasime Xaawo Cali Maxamed, oo ah agaasime waaxda dhaqanka ee Wasaaradda Warfaafinta Puntland, una dhaq-dhaqaaqda xuquuqda haweenka ee siyaasadda
  • Xuseen Cabdisalaan Maxamed oo ka mid ah dhaqdhaqaaqayaasha dhallinyarada.

Barnaamijkan, waxaan ka wada hadli doonaa saameynta dimuqraadiyeynta ee Puntland iyo sida ay u saamaxdo fursadaha iyo xaqa ka qaybqaadashada siyaasadda ee haweenka iyo dhalinyarada, iyadoo la tixgelinayo xaaladda hadda jirta ee siyaasadda Puntland.

Waxaan sidoo kale falanqeyn doonaa caqabadaha iyo fursadaha ka jira, iyadoo la rajeynayo in aragtidaada iyo fikirkaaga ku soo biirto.

Ku soo dhawoow ARDAA!, iyo Kaab TV.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News