Muqdisho (KAAB ) Sare u kacii ugu xooganaa ayaa ku yimid qiimaha , mooska ee suuqyada magaalada Muqdisho taas oo saamaynteeda laga dareemayo caasimadda.
Ganacsatada Mooska ku iibisa magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dhaq dhaaqa mooska uu aad ugu hoseeyo ka ganacsigiisa sidii markii hore uu ahaa.
Arintan ayaa loo sababaynayaa sida ganacstadu ay sheegeen roob ka da’ ay gobolada laga keeni jiray iyo xirnaanshaha waddooyinka qaar.
Dadka iibsanaya khudaarta gaar ahaan mooska ayaa sheegay in wax badan uu iska bedelay mooska.
Halkii xabo oo moos ah waxa uu marataa 4000 SH SO halkii markii hore uu ahaa 2000 SH.SO sidaas waxa sheegay mid ka mid ah ganacsatada khudaarta ku iibisa magaalada Muqdisho.
Ma jirto qiimo jaango’an oo mooska ama khudaarta ah markasta waa qiimo sidaas waxa isagana sheegay qof ka ganacsada khudaarta
Keliya ma ah mooska mid qiima ahaan kordhay waxa sidoo kale jira , noocyo kale oo khudaar ah oo isbedel qiimo uu ku dhacay sabab la xiriirto waddooyinka qaar oo xiran iyo roobka oo jaray deegaanada qaar.