SO | EN

SO | EN

Askar katirsaneyd ciidanka DF oo aano qabiil loogu laayay degmada Ceel Baraf

|

Ceel Baraf (KAAB TV) – Maleeshiyaad hubeysan oo kasoo jeeda beesha Abgaal, ayaa deegaan hoostaga degmada Ceelbaraf ee gobolka Shabeelaha Dhaxe, waxa ay aano qabiil ugu dileen askar katirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliya oo safar ahaa.

Sidoo kale, Askarta la dilay oo gaaraya ilaa 4 iyo 5 nin ayaa u dhashay beesha Xawaadle, waxaana la sheegay in ay fasax ka qaateen ciidanka ay katirsanaayeen, iyagoona kusii jeeday gobolka Hiiraan oo deegaan ahaan ay kasoo jeedaan.

Sidoo kale, maamulka Hirshabeelle oo ugu horeeyo madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa dhacdadaan murugada leh waxa uu kaga tacsiyeeyay Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed iyo gaar ahaan qoysaskoodii.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News