Kenya (Kaab TV) – Ugu yaraan 12 qof, oo ay ku jiraan lix askari, ayaa lagu dilay laba weerar oo kala duwan oo lala xiriirinayo Urruka Al-Shabaab oo ka dhacay xeebaha iyo bariga Kenya.
Booliska ayaa sheegay in kooxaha weerarka soo qaaday ay u adeegsadeen walxaha qarxa si ay ula beegsadaan hay’adaha ammaanka xilli ay ku socdaalayeen waddooyinka, sidoo kalena ay ku dhaawacmeen tobaneeyo kale.
Dhacdadii ugu horeysay ee Al-Shabaabk waxa ay ku beegsadeen Bas Rakaab ah oo marayey Degmada Mandheera ee gobolka Bari,iyaga oo rasaas ku furay si ay ugu khasbaan darawalka in uu si macno darro ah u istaago,sida ay sheegeen Booliska. Darawalka ayaa socdaalkiisii sii watay, isaga oo badbaadiyay ku dhawaad 50 rakaab ah oo la socday.
Dhanka smaamulka Garissa ee bariga dalka Kenya ayaa boolisku waxa ay sheegeen in Al-Shabaab ay la beegsadeen ciidamo ka tirsan kuwa Kenya oo afar ka mid ay dhinteen kadib markii uu gaarigu jiiray gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay.
Shaqaalaha ayaa sidoo kale lagu weeraray hub cul culusa, ayuu yiri sarkaalka booliiska oo diiday in magaciisa la sheego. Kooxda Kaydka Bilayska Qaranka (NPR) ee ka jawaabay ayaa la kulmay iska cabin.
Sida laga soo xigtay booliska, miino kale ayaa ku dhacday baabuur ay wateen ciidamada Kenya ee gobolka xeebta ee Lamu, halkaas oo ay ku dhinteen laba askari, saraakiishu waxay sheegeen in weeraradu ay dhaceen isku mar.
Tani waxay ka dhigeysaa tirada guud ee askarta ammaanka ee lagu dilay labada weerar ee Al-Shabaab 12 askari oo katirsan Ciidamada Kenya ee ku sugan gobolka Waqooyi Bari.
Muddooyinkii la soo dhaafay, waxaa bariga Kenya ka dhacay weeraro isugu jira miinooyin, bam gacmeedyo, ama qalab kale oo qarxa. Inta badan weeraradan ayaa ka dhacay bariga Kenya, gaar ahaan degmooyinka Wajeer, Gaarisa, iyo Mandheera iyo sidoo kale xeebaha Kenya.