SO | EN

SO | EN

Askar udhalatay dalka Uganda ayaa loo maxkamadeynayaa fuleynimo

|

Muqdisho (KAAB TV) – Maxkamadda ciidamada qalabka sida, oo uu guddoominayo Sarreeye Guuto Robert Mugabe, ayaa maxkamadeyneysa Maj Steven Oluka iyo Maj Zadock Obor, oo taliyeyaal ka ahaa laba saldhig militari oo ku yaalla koonfurta Soomaaliya.

Sidoo kale, Waxaa lagu soo oogay laba xisaab dacwadeed oo ah fulaynimo kadib markii weerarkii Al-Shabaab lagu dilay 54 askari oo Ugandan ah, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay taliska militariga Uganda ee Kampala.

Dhanka kale, War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in labada taliye sare aysan ku dhiirigelin saraakiisha ciidamada iyo askarta ka amar qaata inay si geesinimo leh u dagaalamaan markii ay iska horyimaadeen Al-Shabaab 26-kii May.

Afar saraakiil xigeen oo kale ayaa sidoo kale loo maxkamadeynayaa inay ku guuldarreysteen inay ilaaliyaan agabka dagaalka, taasi oo ka soo horjeedda sharciga ciidamada Uganda (UPDF), ayaa lagu yiri bayaanka.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Uganda, oo caadiyan fadhigeedu yahay Makindye ee caasimadda Kampala, ayaa muddo labo toddobaad ah fadhi ku yeelan doonta Soomaaliya, si ay kiiskan u qaado.

“Dhammaadka fadhiyada, ciddii lagu helo dambiga waxa lagu xukumi doonaa xukunno ku habboon, ciddii lagu waayo dambigana waa la sii dayn doonaa.”

Askarta Uganda ayaa la laayey kadib markii ururka Al-Shabaab ay cagta mariyeen Saldhig Ciidan oo ay ku sugnaayeen Ciidamo ka tirsan kuwa Uganda ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), oo ku yaalla deegaanka Buulo Mareer oo qiyaastii 120 KM dhanka Koonfur Galbeed kaga beegan Muqdisho.

Ayada oo ay wehliyaan Burundi, Jabuuti, Kenya iyo Itoobiya, Uganda waxa ay ka mid tahay dalalka ciidamada ku tabaruca howlgalka ATMIS ee dagaalka kula jira argagixisada Soomaaliya.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News