Guriceel (KAAB TV) -Askari Boolis ah ayaa ku dhintay magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud ka dib markii ay is-rasaaseeyn dhexmratay ciidamada booliska degmaasi iyo dad beeraleey ah.
Sidoo kale wararku waxa ay sheegayaan in uu dhaawacmay mid ka mid ah dadka beeraleeyda ah ee ciidamada la dagaalamay.
Dagaalkan ayaa ka dhacay beer ku taal duleedka Magaalada Guriceel oo ay ciidamadu howlgal ugu bexeen kahor dagaalka.
Taliska Booliska Guriceel wuxuu tacsi u diray ehelkii, asxaabtii iyo dhammaan bahda ciidamada booliska Soomaaliyeed.
Alla Ha u naxariiste Waxaa magaalada Guriceel lagu dilay Marxuun Ex D/lle Pol Axmed Cabdi Cabdulle (Dhagjuun) oo ka tirsanaa ciidanka booliska Guriceel, kana howlgalayay sugidda amniga Degmada
Ciidanka Boliiska Guriceel oo Gaaray Goobta uu falku ka dhacay Ayaa Soo qabtay nin lagu magacaabo Cabdisalaan Maxamed Gutaale oo ku Eedeysan in uu falka dhimashada ah geystay waxa uuna haatan ku jira gacanta Ciidanka Booliska Guriceel waxaana hadda bilaawday Baaris ku Aadan Kiiskiisa.