BELEDWEYNE (Kaab TV) – Askari ka tirsan ciidanka Jabuuti ee hawlgalka AUSSOM ayaa lagu toogtay degmada Buuloburde ee gobolka Hiiraan Arbacadii hore [27 August], siday xaqiijiyeen saraakiil amaanka oo ku sugan deegaanka.
Mid ka mid ah maleeshiyaadka Macawisleyda ee beesha Xawaadle ayaa la sheegay inuu toogtay askariga reer Jabuuti oo kusugnaa goob maqaayad ah oo shaaha laga cabo.
Ka hor toogashada waxaa muran yar uu dhexmaray askariga iyo gabar ku sugneyd maqaayadda, taasoo la sheegay inay tahay haweenka deegaanka.
“Askariga Jabuutiyaanka ayaa aflagaado la xiriirta galmo ku yiri gabadha. Markaas ayuu ninka macawieleyda ka tirsan uu maqlay, wuxuuna ku yiri markale ku celi kalmadda. Askariga ayaa ku celiyay hadalka markale,” ayuu yiri Saalax Maxamed oo ka tirsan xubnaha maamulka deegaanka.
“Markii uu hadalka ku celiyay ayuu ninkii Macawisleyda labo xabbo madaxa kaga dhuftay askariga. Waxaana goobta ku geeriyooday askariga reer Jabuuti.”
Taliska ciidanka Jabuuti ee Beledweyne ayaan ka hadlin dhacdadan.
Askariga ayaan la shaacin magaciisa.
Dhacdadan waxay hadalheyn ka dhex abuurtay bulshada Soomaalida, iyadoo baraha bulshada ay dhallinyarada Soomaalida ku tilmaameen fal anshax xumo ah in askari ka tirsan ciidan ajnabi ah uu hadallo galmo la xiriira u adeegsado haweenka Soomaaliyeed.
Waxaase aad loo cambaareeyay in dhacdada looga jawaabo dil.
Illaa 1,520 askari Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), oo ah hawlgalka beddelay Hawlgalka Kala-guurka ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) ayaa kusugan Soomaaliya.
Ciidanka Jabuuti oo ka tirsan Sector-ka afraad ayaa deggan magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, waxayna ku kala sugan yihiin magaalooyinka Beledweyne, Buuloburde iyo Jalalaqsi.

