Nugaal (Kaab TV) -Saddex Arday ayaa ku dhaawacantay rasaas uu furay Askari katirsan ciidamada ammaanka Dowlad-Goboleedka Puntland oo ilaalinayay Arday galaysay Imtixaanka Shahaadiga ah oo lagu qaadayay Iskuul ku yaalla Degmada Burtinle ee Gobolka Nugaal.
Ardayda dhaawaca soo gaaray ayaa loo qaaday mid kamid ah Goobaha Caafimaadka si looga daweeyo, waxaana warar is khilaafsan uu kasoo baxayaa sababta keentay in Askarigaas uu rido rasaasta dhaawacaas dhalisay.
Wararka ugu badan ayaa sheegaya in Askariga iyo qaar kamid ah Ardayda Imtixaanka galaysay ay is afgaareen kaddibna uu Askarigu sidaas uu ku furay rasaasta sababtay dhaawaca saddexda Arday waxaana isbaddellay jawiga goobta.
Ciidamo katirsan kuwa ammaanka Dowlad-Goboleedka Puntland gaar ahaan Taliska Booliiska Burtinle oo gaaray goobta ayaa waxay billaabeen baaritaanno la xiriira sida uu falkaas u dhacay iyaga oo su’aalo weydiiyay dadkii goobjooga u ahaa dhacdadaan.

