SO | EN

SO | EN

Askari loo soo qabtay falal amniga lid ku ah oo ka dhacay degmada Dayniile.

|

MUQDISHO (KAAB TV) – Ciidamada Booliska Gobolka Banaadir ee ku sugan Degmada Dayniile, ayaa gacanta ku soo dhigay nin lagu eedeeyay inuu geystay falal ka dhan ah ammaanka Qaranka.

Eedeysanaha oo lagu magacaabo Cadaawe Cabdi Cali oo loo yaqaano Cadaawe Jib ayaa ah Askari ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka. Waxa uu wajahayaa eedeymo ah in uu diiday amar maxkamadeed iyo dambiyo kale oo kicin dadweyne.

Ilo wareedyo ka tirsan Booliska ayaa xaqiijinaya in Cadaawe Cabdi Cali la horgeyn doono Maxkamada Ciidamada Qalabka sida si loogu qaado dacwado kale oo dhanka sharciga ah. Maamulka ayaa dadka deegaanka ugu baaqaya in ay ku soo wargaliyaan laamaha ammaanka haddii ay dhacaan falal lidi ku ah ammaanka

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News