MOGADISHU (KAAB TV) –Dhul kasta oo la boobay waxaa barakicinta shacabka loo adeegsasay ciidanka Booliska Gobolka Banaadir oo ka amarqaata Taliye Mahdi Cumar Muumin. Isaga ayaa madax u ahaa booliskii shacabka ku weeraray, ka barakiciyay, ku dilay, ku dhaawacay, kuna jirdilay Dabdamiska, Warshadda Birta, Xerada Horseed, Oodweyne, Raadeerka, iyo Suuqa Siinaay.
Markii ay shalay kaamiradu qabatay jirdilkii Siinaay loogu gaystay hooyada iyo odayga waayeelka ah ayuu soo xiray dhawr askari oo uu isagu soo diray, si uu ugu kaartabaxo, bulshadana u marinhabaabiyo.
Gaboodfallo nuucaan ah ayay ciidankiisu ka gaystaan goob kasta oo shacab laga barakicinayo. Cidna uma uusan soo xirin lixdii ruux ee lagu dilay xerada Horseed iyo wiilkii habeen hore Raadeerka lagu toogtay, waayo kaamirooyinku sooma aysan qaban, waxaana hubaal ah in uusan hal askari maanta soo xiri lahayn haddii aysan kaamirooyinku duubin.
Askarigu ma qaldana ee waxaa qaldan oo masuuliyaddaas leh taliyihii amarka soo siiyay.
Ciidamada Dowlada qaarkood ayaa lagu tilmaamaa kuwo arxan daran oo aan lahayn dadnimo iyo damiir celiya, subax kastana u soo kallaha barakicinta dadka danyarta ah.
Dhul kasta oo la boobay iyo barakicinta shacabka loo adeegsasay ciidanka Booliska Gobolka Banaadir oo ka amarqaata Taliye Mahdi Cumar Muumin

