SO | EN

SO | EN

Askarta oo xirtay madaxweynihii dalka Niger iyo xaalad afgembi oo dalku galay

|

NAIROBI (KAAB TV) – Askarta dalka Niger ayaa sheegtay inay xilka ka xayuubiyeen Madaxweyne Maxamed Bazoum galinkii dambe ee Arbacadii, saacado kaddib markii xubno ka tirsan ilaalada madaxtooyada ee dalkaasi ay madaxweynaha ku xireen gurigiisa, ayna la wareegeen dhammaan waddooyinka soo gala aqalka madaxtooyada oo ku yaalla caasimadda Niamey.

Warbixin laga sii daayay telefishinka dalkaasi, taliyaha hoggaaminaya afgembiga Niger Kornayl-Major Amadou Abdramane wuxuu ku sheegay in “difaaca iyo ciidamada ammaanku ay go’aansadeen in ay soo afjaraan nidaamka aad taqaanaan”.

“Tani waxay daba socotaa sii xumaanshaha joogtada ah ee xaaladda amniga, maamulka xun ee bulshada iyo dhaqaalaha.”

Sarkaalkaasi ayaa sheegay in xuduudaha dalka ay xiran yihiin, isla markaana uu jiro bandow dalka oo dhan ah. Waxaa sidoo kale shaqada laga joojiyay dhammaan hay’adaha dalka, ayuu raaciyay.

Abdramane ayaa waxaa garab taagnaa sagaal sarkaal oo kale markii uu akhriyey war saxaafadeedka. Kooxdan isku magacaawday Golaha Qaranka ee ilaalinta dalka Niger ayaa ka digtay faragelin shisheeye.

Taliyaha hoggaaminaya afgembiga Niger Kornayl-Major Amadou Abdramane wuxuu ku sheegay in “difaaca iyo ciidamada ammaanku ay go’aansadeen in ay soo afjaraan nidaamka aad taqaanaan”.

Xaalad afgembi

Ku dhawaaqista ayaa timid ka dib maalin hubanti la’aan ah iyadoo madaxtooyada Niger ay soo warisay in xubno ka tirsan ciidamada ilaalada gaarka ah ay ku howlan yihiin “mudaaharaad ka dhan ah nidaamka jamhuuriyadda” iyadoo wakaaladaha wararka ay tabinayaan in madaxweyne Bazoum oo talada dalka qabtay sannadkii 2021 lagu hayo qasriga madaxtooyada ayna afduub u heystaan ciidamada gadoodsan.

Ma cadda halka uu madaxweynuhu ku sugnaa wakhtiga lagu dhawaaqay Abdramane iyo haddii uu is casilay.

Mareykanka ayaa isla markiiba ku baaqay in Bazoum la sii daayo.

“Waxaan la hadlay madaxweyne Bazoum subaxnimadii hore ee saaka, waxaanan u caddeeyey in Maraykanku uu si adag u taageersan yahay inuu yahay madaxweynaha sida dimuqraadiga ah loo soo doortay ee Niger,” Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa u sheegay suxufiyiinta isagoo ku sugan dalka New Zealand.

“Waxaan ku baaqaynaa in si degdeg ah loo sii daayo madaxweynaha Niger,” ayuu yidhi.

La wareegitaanka militariga, oo noqonaya afgembigii toddobaad ee ka dhaca galbeedka iyo bartamaha Afrika tan iyo 2020, ayaa sii adkeyn karta dadaallada reer galbeedka ee ku aaddan caawinta waddamada gobolka Saaxil ee dagaalka kula jira kooxaha hubeysan ee xiriirka la leh Al-Qaacida iyo Daacish (ISIL).

Niger, oo ah dal aan bad lahayn oo hore u gumaysan jiray Faransiiska, ayaa ah xulafada laf dhabarta u ah quwadaha reer galbeedka ee doonaya inay gacan ka geystaan la dagaalanka kooxaha hubaysan, sidoo kale waa saaxiibka muhiimka ah ee Midowga Yurub ee dagaalka ka dhanka ah socdaalka aan caadiga ahayn ee ka imanaya Afrikada Saxaraha ka hooseeya.

Maraykanku waxa uu Niger ku leeyahay laba saldhig oo kuwa aan duuliyaha lahayn. Waxa kale oo ay wataan ilaa 800 oo askari oo qaarkood la fahamsan yahay in ay yihiin ciidamo gaar ah oo tababarro siinayey ciidamada Nigeria.

Qaramada Midoobay ayaa dhanka kale cambaareysay afgambiga muuqda.

Faransiiska ayaa sidoo kale “si adag u cambaareeyay dhammaan isku dayga lagu doonayo in xoog lagula wareego” Niger.

Horaantii Arbacadii, guddiyada Midowga Afrika iyo Ururka Dhaqaalaha ee Galbeedka Afrika (ECOWAS) ayaa ku tilmaamay tillaabooyinka ka dhanka ah Bazoum inay tahay dadaal lagu doonayo in kursiga lagaga tuuro siyaasiga, oo loo doortay madaxweyne laba sano ka hor, markii ugu horreysay ee si nabad ah, dimuqraadi ah xukunka loogu wareejiyo dalka. tan iyo markii ay xornimada ka qaateen Faransiiska 1960kii.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News