SO | EN

SO | EN

ATMIS oo dhaxgashay Soomaali khilaaf siyaasadeed u dhaxeeyay

|

Bardaale (KAAB ) Howlgalka ATMIS ee midowga Afrika ayaa sheegay in xal rasmi ah ay ka gareen khilaaf ka dhashay arrimo gargaar oo ka jiray deegaano ka mid ah  koonfur Galbeed Soomaaliya.

Khilaafkan ayaa ka jiray muddo badan degmada Bardaale ee gobolka Baay sida lagu sheegay war ka soo baxay howlgalka ATMIS.

Saraakiil ka socotay ciidanka ATMIS ee Itoobiya ayaa kaalin ku lahaa in heshiiskan la dhax dhigo xubno ka mid ah maamulka degmada oo isku haysto arrimo ku saabsan gargaar.

“Ciidamada ATMIS ayaa ku guuleystay in ay heshiis nabadeed kala dhex dhigaan kooxo muran siyaasadeed dhex maray ee degmada Berdaale ee maamulka Koonfur Galbeed ” ayaa lagu yiri war lagu daabacay barta ATMIS.

Howlgalka ATMIS ayaa sheegay in muhiim ay tahay , in dadaal badan ay galiyeen sidii loo heli lahaa nabadgalyo si loo helo hanaan maamul oo bulshada ay u siman yihiin.

Muranka ayaa salkiisu ahaa gargaar bani aadamnimo oo loogu talagalay in la gaarsiiyo goobaha ay adag tahay in la gaaro ee Gobolka Baay katirsan balse hadda wixii ka dambeeya qorshuhu yahay in la gaarsiiyo.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News