SO | EN

SO | EN

ATMIS oo guluf cusub oo ka dhan ah al-Shabaab ku dhawaaqday

|

MUQDISHO (Kaab TV) – Taliska hawlgalka ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS ayaa sheegay in ay bilaabi doonaan guluf militari oo cusub oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab iyagoo ay wehliyaan ciidamada Soomaaliya.

Madaxa ATMIS danjire Mohammed El-Amine Souef ahna Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ayaa sheegay in ay ka go’an tahay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo ATMIS iskaashi millitari oo wadajir ah oo lagula dagaalamayo Al-Shabaab ee ka socda Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Danjire Souef ayaa ku celceliyay in ATMIS ay sii wadi doonto taageerada ay siiso Ciidamada Ammaanka Soomaaliya howlgallada militari ee ka dhanka ah Al-Shabaab.

“ATMIS waxa ay ka taageertaa hawlgallada socda dhinaca saadka. Waxaan isticmaaleynaa hantideena hawada, awoodeena si aan u bixino taageerada hawada iyo sidoo kale bixinta daadgureynta caafimaadka ee jiidda hore,” ayuu yiri madaxa ATMIS, Ambassador Souef.

Waxa uu soo dhoweeyay dardaarankii siyaasadeed ee ay soo bandhigeen madaxda dowladda Soomaaliya ee uu ugu horeeyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo si toos ah ugu lug leh howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ay Soomaaliya hormuudka ka tahay, welina ay booqanayaan jiida hore ee dagaalka.

Diplomaasiga AU-da ayaa sidoo kale soo dhaweeyay is-hortaagga ka dhanka ah Al-shabaab, iyo Taageeradda ay Ciiddanka Qaranka Somalia ka helaan dadka deegaanka, taasi oo suurto-gelisay Xoreynta Degaanada ay Alshabaab gacanta ku hayaan.

“Soomaalidu waxay dareemayaan in cadowgooda koowaad uu yahay Al-shabaab. waana sababta ay XDS taageero badan uga helayaan shacabka ku sugan gudaha iyo dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka,” ayuu yiri Danjire Souef.

Dadaalada dib u heshiisiineed ee socda, ATMIS iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku heshiiyey in la sii wado taageerada Golaha Wadatashiga Qaran, kaas oo ay isugu imaanayaan Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya. Golaha ayaa la filayaa inuu qabto kulankooda soo socda bisha Febraayo.

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo ATMIS ayaa sidoo kale go’aamiyay in la xoojiyo wada shaqeynta dhinacyada tababarrada ciidamada iyo xog wadaagga si loo xaqiijiyo in hanaanka kala guurka ah uu guulaysto.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News