Muqdisho (KAAB TV) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale ayaa aqalka dowladda hoose ee Xamar kulan kula qaatay madaxda xafiisyada Arrimaha Bulshada, Dib-u-dhiska iyo Xuquuqul Insaanka ee hoostaga xafiiska ergeyga gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya iyo howlgalka ATMIS.
Sidoo kale, Kulanka ayaa loogu hadlay sidii maamulka gobolka Banaadir iyo xafiiska ATMIS ay ugu wada-shaqeyn lahaayeen fulinta mashaariicyo horumarineed oo ay ugu horeyso dhismayaasha kaabayaasha dhaqaalaha, dib-u-dhiska suuqayada, kawaanada iyo xarumaha danta guud ee loogu adeego Bulshada.
Dhanka kale, madaxa Xafiiska Dib-u-dhiska ATMIS Mr. Andew ayaa sheegay in qorshaha ATMIS ee Xasilinta iyo soo kabashada ay qeyb ka tahay sidii dalka loogu fulin lahaa mashaariicyo horumarineed oo ay ugu horeyso kaabayaasha dhaqaalaha si loo helo kobac dhaqaale iyo Bulsho isku filan.