SO | EN

Awoodda shacabka ayaa ka xoog badan tan dadka xukunka fadhiya

|

‘Awoodda shacabka ayaa ka xoog badan tan dadka xukunka fadhiya’. waa mid ka mid ah hal ku-dhigyada laga helo buugaagta culuumta siyaasadda iyo dowladnimada.

Feeryahanka caanka ah ee Maxamed Cali ayaa laga hayaa oraah kale oo caan baxday ayna aad u adeegsadaan dadka daraaseeya arrimaha bulshada taasoo dheheysa “Mabaadii’dayda ayaa ka muhiimsan lacagta aan heysto ama magaca aan leeyahay.”

Haddii aad rabto inaad si kale ku fahamto awoodda qarsoon ee dadweynaha waxaad ka arki kartaa shacabka ku nool xaafadda Dab Damiska oo maalmahaan muujiyay isku duubni iyo hal adayg. Waxay awoodeen inay joojiyaan isku daygii lagu doonayey in maanta lagu barakiciyo.

Ma jirto dunida waddan ama magaalo ay dowlad dadkeeda si bareer ah u barakiciso, iyagoo aan la siinin meel kale oo ay ku noolaadaan iyo fursad kale.

Markase dadka laga soo owdo halka albaab ee u furan waxay dantu kallifeysaa inay ku kacaan waxkasta oo ay awoodaan.

Marka dadweynaha ay dareemaan in xuquuqdooda lagu tumanayo, oo ka dibna midoobaan, kana hortagaan dulmiga, way guuleystaan. Markase ay kala jabaan, oo mid mid loo kala dilo, dhammaantood way guuldareystaan.

Ka waran haddii ay soo bixi lahaayeen dhowr xaafadood oo kale, oo sida shacabka Dab Damiska dulmiga hor istaaga, ka dibna dhowr magaalo kale ay ku soo biiraan, ka dibna gobollada ku soo biiraan, oo sidaas ku noqdaan dhaq-dhaqaaq dulmi-diid ah?

Maanta Soomaalida halkee ayay gaari lahayd?

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News