Galgaduud (KAAB TV) – Madaxweynaha dowladd goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye iyo masuuliyiin kale ayaa gaaray deegaanno kuyaalla inta u dhaxeysa magaalooyinka Guriceel iyo Ceelbuur ay joogaan ciidanka xoogga dalka.
Sidoo kale, Axmed Qoor Qoor waxaa safarka ku wehliyay masuuliyiin katirsan dowladda federaalka Soomaaliya uu ku jiro wasiirka gaashaandhigga, waxa ayna gaareen deegaanka Bari Ujeed ay joogaan ciidankii kasoo baxay degmada Ceelbuur.
Dhanka kale, Safarka Qoor qoor ku tagay xadka Ceelbuur ayaa ayaa ujeedkiisa lagu sheegay u kuurgelidda xaalada deegaanadaas iyo dhiirragelinta ciidamada qalabka sida ee dhawwaan qabsaday degmada Ceelbuur.
Madaxweyne Qoor Qoor iyo masuuliyiinta la socota ayaa safarka ay ku tageen deegaanka Bari Ujeed ayaa imaanaya, xilli ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka ay dib uga soo baxeen degmada Ceelbuur iyo deegaanno kale ay dhawwaan ka saareen Al-Shabaab.