SO | EN

SO | EN

Axmed Karaash oo Tababar usoo xiray Cutubyo kamid ciidanka Puntland

|

Gaalkacyo (KAAB TV) – Ku-simaha Madaxweynaha dowladd goboleedka Puntland Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash, oo safar shaqo ku jooga Gobolka Mudug, ayaa tababar u soo xiray  in ka badan 300 oo askari oo ka tirsan laamaha kala duwan ee Ciidanka Booliska Puntland kuwaasoo dhameystay tababar 3 Bilood iyo 15 Cisho uga socday xerada tababarka Ciidanka ee Godad.

Sidoo kale, Axmed Karaash, ayaa ku boggaadiyey Ciidanka tababarka dhameystay wuxuuna u rajeeyay in aqoonta ay barteen ugu faa’ideeyaan dalkooda iyo dadkooda, iyagoo qeyb ka noqon doona qorsheyaasha amniga lagu horumarinayo.

“Puntland waxay muhiimad gaar ah siisay dib-u-habeynta , tayeynta iyo dhismaha Ciidanka oo bar-bilow u ah guulaha laga gaaray xagga Amniga, Difaaca Puntland iyo Dowlad wanaageeda” ayuu yiri karaash

Dhanka kale, Waxaa Madaxweyne Ku-xigeenka kala qeybgalay munaasabadda, Goleyaasha dowladd goboleedka Puntland, Taliska Booliska Puntland,  Saraakiisha xerada tababarka ee Godad, Maamulka Gobolka Mudug , Kan degmada Gaalkacyo iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada deegaanka Godad ee Degmada Gaalkacyo.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News