Customize Consent Preferences

We use cookies to help you navigate efficiently and perform certain functions. You will find detailed information about all cookies under each consent category below.

The cookies that are categorized as "Necessary" are stored on your browser as they are essential for enabling the basic functionalities of the site. ... 

Always Active

Necessary cookies are required to enable the basic features of this site, such as providing secure log-in or adjusting your consent preferences. These cookies do not store any personally identifiable data.

No cookies to display.

Functional cookies help perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collecting feedback, and other third-party features.

No cookies to display.

Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics such as the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.

No cookies to display.

Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.

No cookies to display.

Advertisement cookies are used to provide visitors with customized advertisements based on the pages you visited previously and to analyze the effectiveness of the ad campaigns.

No cookies to display.

SO | EN

Axmed Madoobe iyo Cali Axmed Naaji oo ku kulmaya UAE labo bil kadib cunaqabateynta USA

|

DUBAI (KAAB TV) – Madaxweynaha Maamulka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa saaxiibkiis ganacsade Cali Axmed Naaji ku kulmaya magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta, halkaasoo madaxweynuhu beryahan ku sugnaa.

Sida ay noo sheegeen xubno ku dhow madaxtooyada Jubbaland, waa kulankii ugu horreeyay oo Axmed Madoobe la yeesho ganacsade Naaji tan iyo markii ay waaxda maaliyadda ee dowladda Mareykanka ku soo rogtay cunaqabateyn.

Wasaaradda Maaliyadda Mareykanka ayaa 24kii May 2023 soo saartay go’aan lagu xayiraayo hantida Cali Axmed Naaji.

Sida ay sheegeyso dowladda Mareykanka, Naaji ayaa tan iyo 2013-kii ahaa qeybiyaha iyo isku-duwaha ka-ganacsiga dhuxusha Soomaaliya. Ganacsiga Naaji ee dhuxusha ayaa waxaa qeyb weyn ku lahaa ururka Al-Shabaab. Naaji ayaa sidoo kale heshiis dakhli wadaag ah dhex dhigay ganacsatada dhuxusha iyo Al-Shabaab iyo sidoo kale kuwa ka ganacsada oo ay ku jiraan xubno sare oo ka tirsan maamulka Jubbaland.

Wasaaradda Maaliyadda ee Mareykanka ayaa sheegtay in Naaji uu fududeeyay bixinta dakhliga Al-Shabaab marka dhuxusha lasoo iibiyo oo ay gaarto suuqyada waddamada Khaliijka.

Intaa waxaa dheer, Naaji waa fududeeyaha sahayda batroolka ee Soomaaliya, taasoo Al-Shabaab ay wax ka hesho.

Shirkadda Jamaame Brothers

Dowladda Mareykanka waxay kaloo xayiraad ku soo rogtay shirkadda Jamaame Brothers oo uu Naaji iska leeyahay.

Jamaame Brothers, oo ah shirkad fadhigeedu yahay Soomaaliya, ayaa ganacsiyo ku leh leedahay Imaaraadka, Kenya, Jabuuti, Shiinaha, Hindiya, iyo Pakistan.

Al-Shabaab ayaa ka faa’iida dhoofinta dhuxusha Jubbaland oo ay lacag adag kasoo xarooto.

Bartamihii 2022-kii, Naaji waxa uu ku dhawaad $1.2 milyan ku wareejiyay Shirkadda Jamaame Brothers ka dib markii ay dibadda u dhoofisay dhuxul ayna soo dejisay ku dhawaad 2,500 metric ton oo shidaal ah iyo 2,000 metrik ton oo gaas ah.

Intaas kuma eka, ee Mareykanku waxay kaloo xayiraad saareen ganacsato kale oo ku lug leh ganacsiga dhuxusha, laguna eedeeyay inay xiriir dhaqaale la leeyihiin kooxda Al-Shabaab. Waxaana ka mid ah Bashiir Khaliif Muuse oo iska leh shirkadda Red Sea Transit & Transport Service and Royal Shipping Agency oo fadhigeedu yahay dalka Jabuuti.

Shirkadda Red Sea ayaa lagu eedeeynayaa inay dhoofisay  4,400 metric tons oo dhuxul ah oo loo iibgeeyay Imaaraadka Carabta.

Dhoofinta dhuxusha ayaa horey waxaa xayiraad u saaray Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay iyo dowladda Soomaaliya.

Axmed Madoobe iyo Cali Axmed Naaji

Cali Axmed Naaji wuxuu ahaa gacan yaraha dhanka dhaqaalaha iyo faa’iido wadaag madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe. Naaji waxaa kaloo lagu tiriyaa dadka ugu dhow ee Axmed Madoobe.

Naaji wuxuu aas-aasay shirkadda Jamaame Brothers ka dib maalgelin uu ka heley Axmed Madoobe. Shirkadda waxay leedahay kaalimo shidaal, hoteello, shirkadaha safarka (travel agency) iyo dhoofinta xoolaha iyo dhuxusha.

Wargeyska Standard ee dalka Kenya ayaa horey u tebiyay in Naaji oo kasoo jeeda beesha Cawr-male uu xitaa lacago amaah siiyo kooxda Al-Shabaab, uuna maamulo ganacsiga ugu badan ee dhuxusha Kismaayo.

Xubno ku dhow madaxtooyada oo dhowr jeer ay kulmeen Naaji, ayaa Kaab TV u sheegay in ganacsiyadan ay yihiin kuwo uu qeyb ahaan leeyahay Axmed Madoobe oo aan rabin in isaga loo aqoonsado mulkiilaha, taasi beddelkeedana waxaa ku qoran Cali Naaji.

Lacagta Mareykanku xayiray oo la sheegayo inay ka badan tahay $1.2 milyan ayaa qeyb ahaan ahayd lacag uu lahaa Axmed Madoobe balse ku socotay magaca shirkadda Jamaame Brothers. Xayiraadda lacagtan waxay jug weyn gaarsiisay madaxweyne Axmed Madoobe oo haatan u safray dalka Imaaraadka.

Maamulka Jubbaland marna kama hadlin xayiraadda lagu soo rogay gacanyraha madaxweyne Axmed Madoobe.

Inkastoo waayo hore ay badnaayeen safarrada Cali Naaji ee Kismaayo, ilo wareedyada waxay sheegayaan inuusan soo safri karin wixii ka danbeeyay xayiraadda Mareykanka ee soo baxday.  Waana taas sababta keentay in madaxweyne Madoobe iyo Naaji ay isku arkaan Dubai.

Madoobe ayaa sidoo kale kulamo la yeelanaya madaxda Imaaraadka oo xiriir uu kala dhexeeyo maamulkiisa.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News