Kismaayo (KAAB) – Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta Shir gudoomiyay Kulanka golaha wasiirada oo lagaga hadlay howlgalada dalka looga xoraynayo, dardar galinta mashaariicda socoto iyo qodobo kale.
Golaha ayaa bogaadiyay howlgalada ay wadaan Ciidamada kala duwan ee maamulka Jubbaland iyo kuwa xoogga dalka Soomaaliyeed, kuwaas oo dhabar jab xoog leh lagu gaarsiiyay Kooxda Al-Shabaab.
Ciidamada dowladd goboleedka Jubbaland ayaa maanta la wareegay degmada Xagar ee gobolka Jubbada Hoose, iyadoo halkaas khasaare kala duwan lagu gaarsiiyay kooxda Al Shabaab.
Sidoo kale Waxaa Kulanka lagaga hadlay dardar galinta mashariicda Dowladda ee Hada socda sidii qiimayn buuxda loogu samayn lahaa isla markana loo hubin lahaa gaba gabada inay u fuleen sidii loogu tala galay iyo bilowga mashariicda Cusub sidii ay u noqon lahayeen Kuwo taabo gala.
Golahu waxaa kale oo uu ka hadlay sidii mashariicda kala duwan ee Dowladda loo gaarsiin lahaa gobolka Gedo isla markana bulshada deegaanka ay u heli lahayeen adeegyada kala duwan iyo shaqada laamaha kala duwan ee Dowladdu ay bulshada u heyso.