Nairobi ( KAAB) Madaxwaynayaasha maamul goboleedyada ee Jubbaland iyo Koonfur Galbeed ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ka wada shirar kala duwan oo shaki badan abuuray .
Labada Madaxwayne ee Laftagareen & Axmed Madoobe ayaa saacadihii lasoo dhaafay la kulmay diblomaasiyiin ka soo jeeda dalal intooda badan Itoobiya ku taageersan damaca ay ku raadineyso badda Soomaaliya.
Waxa ay qabsadeen shirarka labada masuul baraha bulshada waxaana la sheegayaa in tani mugdi ay galisay xiriirka Xasan Sheekh iyo labada Madaxwayne ee Laftagareen iyo Axmed Madoobe.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in labada masuul xunaha ay kula kulmeen magaalada Nairibi lakala hadlay arrimaha hadda ka dhax taagan Soomaaliya iyo Itoobiya.
Xogaha la helayo waxay sheegayaan in Laftagareen iyo Axmed Madoobe ay Nairobi ku tageen qorshe ay wadato Itoobiya, isla markaana ay halkaas kula kulmeen xubno ka socda dowladda Itoobiya,
Labada Madaxwayne ayaa ku jira damac ah in Itoobiya ay ka heli karaan in ay dib u soo laabtaan maadama uu waqtigooda uu gabaabsi yahay oo waqti kooban ay uga harsan tahay doorashada .
Dowladda Federaalka weli go’aan ma aysan ka soo saarin xiriirka la sheegay in dowlad goboleedyada qaar ay si hoose ula sameysanayaan Itoobiya.