MUQDISHO (Kaab TV) – Madaxweynaha Jubaland, Axmed Madoobe, ayaa u muuqda inuu afar arrimood oo waaweyn kaga adkaaday madaxda Dowladda Federaalka ee Soomaaliya.
Iyadoo khilaafka u dhexeeya maamulka Jubaland ee uu hogaaminayo Madaxweyne Axmed Madoobe iyo Hoggaanka Dowladda Federaalka uu weli sii socdo, ayaa waxaa soo kordhaya in Jubaland ay maalinba maalinta ka dambeysa kaga sii adkaaneyso Dowladda Federaalka tallaabooyinka kala duwan ee ay qaadday Dowladda.
Afarta qodob ee guusha u ah Axmed Madoobe
- Dowladda Federaalka ayaa 27kii Nofembar 2024 soo saaray amar soo qabasho ah oo ka dhan ah Madaxweyne Axmed Madoobe, iyadoo isla maalinkaas amar kale oo soo qabasho oo ka dhan madaxweyne Xasan Sheekh ay soo saartay Jubaland. Haddaba, waxaa hadda caddaatay in uu buray amarkii ay Dowladda Federaalku soo saartay oo taasoo uu ku guuleystay Axmed Madoobe inuu safro isagoo weli amarkii soo qabashada uu jiro.
- Jubaland ayaa ku guuleysatay inay jabiso duulaankii ay Dowladda Federaalka ku qaaday deegaanka Raaskaambooni, kaasoo ujeedkiisu ahaa in lagula daggaalamo maamulka Axmed Madoobe, balse ku soo dhammaaday inay jabaan ciidamadii Dowladda Federaalka 11 Disembar 2024.
- Axmed Madoobe wuxuu kaloo ku guuleystay inuu ka hortago qorshihii abaabulka odayaal dhaqameedka iyo kicinta siyaasiyiinta mucaaradka ee ay Dowladda Federaalka ku kicisay maamulka Axmed Madoobe, kaasoo hadda la waayay wax odayaal ah oo taageersan dhanka Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’isul Wasaare Xamse Cabdi Barre.
- Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa la saaray xayiraad dhanka safarka ka gadaal doorashadii uu ku qabsaday Kismaayo 25kii Nofembar 2024 taas oo ay Dowladda Federaalka diiday inay aqoonsato, hase yeeshee waxaa uu Madaxweyne Axmed Madoobe jabiyay xayiraadda safarka, isagoo Sabtidii u safray magaalada Nairobi ee dalka Kenya, taas oo aad uga careysiisay Dowladda Federaalka.