SO | EN

SO | EN

Axmed Madoobe oo hadiyado gudoonsiyay ardayda kaalmaha ka gashay tartanka Qur’aanka Kariimka

|

Kismaayo (KAAB TV) – Madaxweynaha maamulka jubbaland Axme Madoobe ayaa abaalmarino kala duwan ku wareejiyay maanta ardayda kaalmaha hore ka gashay tartanka Qur’aanka Kariimka.

Sidoo kale, munaasabada guddoonsiinta abaalmarinta arday ayaa waxaa kasoo qeyb galay Madaxweynaha Jubbaland, labada golle ee Jubbaland, culimaa’udiin, Odayaasha Dhaqanka, Macalimiin, Waalidiin, arday, iyo bulshada qeybaheeda kala duwan.

Dhanka kale, Axmed Madoobe ayaa waalidiinta iyo macalimiinta ardayda ku bogaadiyay fadaalkooda ku aadan doo saarida arday xaafidiin ah oo wax tar u leh bulshada.

Cabdirisaaq Maxamed Cabdi ayaa noqday arday kaalinta 1aad u galay ardayda ku tartameysay 30-ka Juz ee Qur’aanka asagoo Madaxweynaha uu abaalmarin ahaan u siiyay Gaari.

Halka Kaalinta 2-aad iyo 3-aad ee tartanayaasha 30-ka Juz ayagana Madaxweynaha ku abaalmariyay gawaari

Ugu dambeyn, Madaxweynaha ayaa si gaar ah gaari u gudoonsiiyay gabar kamid aheed tartamayaasha ka socday degmada Baardheere ee gobolka Gedo.

 

 

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News