SO | EN

SO | EN

Axmed Madoobe oo kulamo gaar-gaar ah kawada Addis Ababa

|

Addis Ababa (Kaab TV)-Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo booqasho kujooga magaalada Addis Ababa ayaa kulamo laqaatay madaxda sar-sare ee dalka Ethiopia.

Kulankaan oo martiqaadkiisa ay lahaayeen madaxda Ethiopia ayaa waxaa qeeb ka ahaa Gudoomiye-kuxigeenka xisbiga  talada haya ee Barwaaqo Aadan Faarax, Wasiirka Maaliyada Axmed shide iyo Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Mustaf Muxumed Cumar (Cagjar).

Kulankaan ayaa waxaa looga hadlay soocelinta xiriirkii wanaagsanaa Ethiopia iyo Jubbaland kaasi oo meesha kabaxay sanadkii 2019-kii.

Dowladda Imaaraadka Carabta oo mudooyinkii dambe ku howlaneyd soo celinta xiriirka Ethiopia iyo Jubbaland xiriirkaas oo xumaaday sanadkii 2019-kii xiligaas oo Aby Axmed xiriir fiican kala dhexeeyay Farmaajo iyo siyaasada ay isku hayaan Axmed Madoobe iyo Farmaajo.

Si kastaba, Lama oga in dowladda federaalka Soomaaliya ay ku qanacsan tahay tallaabooyinka Imaaraadka ee isku soo dhaweynta Axmed Madoobe iyo Abiy Axmed, balse waxay u badan tahay inay raali ka tahay, maadaama ay hadda Muqdisho iyo Abu Dubai ay gaareen heshiisyo militari iyo mid amni.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News