Nairobi (KAAB TV) – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam, ayaa safar ku jooga magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaasi oo uu ka wado kulamo uu la yeelanayo daneeyaasha Siyaasadda Soomaaliya.
Warar soo baxaya ayaa tilmaamaya in Axmed Madoobe la kulmi doono xubno ka mid ah Beesha Caalamka iyo Siyaasiyiinta Soomaalida, isaga oo kala hadli doona Xaaladda maamulka Jubbaland.
Sidoo kale, kulamadan ayaa diiradda lagu saarayaa xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya, gaar ahaan qorsheyaasha Dowladda Federaalka ee ka dhanka ah Maamulka Jubbaland.
Socdaalka Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa kusoo beegmaya iyadoo weli ay jirto xayiraaddii socdaalka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya horey ugu soo rogtay, taasoo aan si rasmi ah looga qaadin.