SO | EN

SO | EN

Axmed Madoobe oo kulan kula yeeshay Kismaayo siyaasiyiinta mucaaradka Jubbaland

|

Kismaayo (KAAB TV) – Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe oo maanta qasriga madaxtooyada kuqaabilay siyaasiyiinta mucaaradka maamulka Jubbaland.

Sidoo kale, Axmed Madoobe iyo siyaasiyiintan mucaaradka ah ayaa kawada hadlay sidii loo xoojin lahaa wadajirka iyo midnimada shacabka reer Jubaland iyo sidii labada dhinac isugu soo dhawwaan lahaayeen.

Dhanka kale, madaxweynaha iyo siyaasiyiinta kasoo horjeeday ayaa isla gartay sidii wadajir looga wada qaybgali lahaa howlgalka dhawaan ka bilaabanaya deegaanada Jubaland iyo xaalada guud ee Siyaasada.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa horey siyaasiyiintan oo kasoo horjeeday hab maamulkiisa kula kulmay Nairobi, waxa ayna kawada hadleen sidii ay isugu soo dhawwaan lahaayeen una taageeri lahaayeen maamulkiisa.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News