SO | EN

SO | EN

Axmed Madoobe oo kulan laqaatay siyaasiyiinta mucaraadka maamulka Jubbaland

|

Kismaayo (KAAB TV) – Madaxweynaha maamulka Jubbaland ayaa maanta qasriga madaxtooyada kulan kula yeeshay siyaasiyiinta mucaaradka maamulka, kuwaas oo horey kulan nocaan oo kale ah kuyeeshay magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya.

Sidoo kale, Axmed Madoobe iyo siyaasiyiinta mucaaradka ah ayaa kawada hadlay sidii loo xoojin lahaa wadajirka iyo midnimada shacabka reer Jubaland iyo sidii labada dhinac isugu soo dhawwaan lahaayeen.

Dhanka kale, siyaasiyiinta kasoo horjeeday Axmed Madoobe ayaa isla gartay sidii wadajir looga wada qaybgali lahaa howlgalka dhawaan ka bilaabanaya deegaanada Jubaland iyo xaalada guud ee Siyaasada.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa horey siyaasiyiintan oo kasoo horjeeday hab maamulkiisa kula kulmay Nairobi, waxa ayna kawada hadleen sidii ay isugu soo dhawwaan lahaayeen una taageeri lahaayeen maamulkiisa.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News