KISMAAYO (KAAB TV) – Madaxweynaha Jubbaland Ahmed Mohamed Islaam ayaa xarunta madaxtooyada kulan sagootin ah kula qaatay saraakiisha Ciidanka ATMIS ee qayb 6-aad.
Sidoo kale, Axmed Madoobe ayaa uga mahadceliyey Ciidanka ATMIS qeybta ee 6–aad shaqadii wanaagsaneyd ee ay qabteen intii ay joogeen degaanada maamulka Jubbaland.
Dhanka kale, Kaalintii ay ka qaateen la dagaalanka argagaxisada iyo keenidda xoggahooda ayaa lagu guddoonsiiyey shahaado sharaf uu ugu tala galay Madaxweynaha Jubbaland.
Ciidanka ATMIS qeybtooda 6-aad ee ka howlgalayey Jubbaland ayaa soo gabagaboobay shaqooyinkoodii aheyd la dagaalanka Al-shabaab taasoo qayb ka ah qorshaha guud ee lagu dhimayo ciidanka ATMIS ee jooga Soomaaliya.