KISMAAYO (KAAB TV) – Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa maanta magaalada Kismaayo ka daah-furay nashqadaynta guud ee magaalada Kismaayo oo muddo badan hirgalinteeda laga shaqeynayey.
Axmed Madoobe ayaa tilmaamay ahmiyada ay leedahay hirgalinta Kismaayada cusub oo wax badan ma badalan tii hore isagoo Hay’adaha kala duwan ee ku shaqada leh arrimaha dhulka Jubbaland faray in sida ugu dhaqsiyaha badan ay shacabka uga dhimaan qiimaha lagu sharciyeeyo dhulka sidoo kale wuxuu faray in ay muhiim tahay in dadka qurbaha ku maqan ee reer Jubbaland loo diyaariyo nidaam u sahlaya iibsashada dhulka iyaga oo aan wado dheer oo dhib badan aan u marin.
Dhanka kale, Ciidamada qaybahooda kale duwan ayuu uga digay Madaxweynaha Jubbaland ku milanka kiisaska dhulalka waxa uuna sheegay Madaxweynaha in talaabo waafaqsan sharciga la marsiin doono Ciidamada had iyo jeer ku dhaxjira arimaha dhulalka.
Axmed Madoobe ayaa shacabka Jubbaland iyo guud ahaan siyaasiyiintaba ugu baaqay in ay door muuqda ka qaataan dagaalka ka dhanka ah argagixisada, garab-istaagna loo muujiyo Xasan Sheekh ee hoggaaminaya howlgalka lagu ciribtirayo argagixisada.