Muqdisho (KAAB TV) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Madoobe, ayaa shir wada-tashi ah ku casuumay Xildhibaannada labbada Aqal ee Baarlamaanka JFS ku metela deegaannada maamulka Jubbaland.
Qoraal uu soo saaray Madaxweyne Axmed Madoobe ayuuna ugu baaqay xildhibaannada Jubbaland ku matela in 8da bishan yimaadaan magaalada Kismaayo si ay uga tashtaan xaalada siyaadadeed ee taagan.
Sidoo kale, Xiisadda siyaasadeed ee Jubbaland iyo dowladda federaalka ayaa gaartay meeshii ugu xumeed, kaddib markii Axmed Madoobe oo ka tegay shirkii golaha wadatashiga Qaranka ee Muqdisho kusoo idlaaday toddoobaadkii.
Dhanka kale, arrinta la isku hayo waa nooca doorasho ee Xasan Sheekh uu rabo oo qof iyo cod ah iyo qorshaha Axmed Madoobe oo doorasho dadban ah, waxaana muuqata in khilaafka labada dhinac uu cirka isku sii shareerayo.
Madaxweyne Axmed Madoobe, ayaa lasoo warinaayaa inuu qorsheynayo inuu qabsado doorasho dadban, taas oo bilaaban doonta toddobaadyadaan.
Waxaana larumeysanyahy, Xasan Sheekh in uu gadaal ka riixayay qorshihii lagu ansixiyey shirka golaha wadatashiga Qaran oo dowlad goboleedyada loogu ogolaaday muddo kororsi hal sano ah, si sanadka dambe loo bilaabo doorashooyin qof iyo cod ah oo ka dhacay dowlad goboleedyada.
Axmed Madoobe oo qodobkaas ka carooday ayaa isaga baxay shirka, waana diiday muddo kororsiga halka sano ah ee dowlad goboleedyada kale ay ogolaadeen, maadaama ay ku adag tahay in doorasho qof iyo cod ah uu galo.
Sikastaba, ilaa hadda wax jawaab ah kama aysan bixinin dowladda federaalka ah, lamana oga ilaa hadda sida ay wax noqon doonaan.