SO | EN

SO | EN

Axmed Madoobe oo xalay shir Guddoomiyay kulan arrin xasaasi ah looga arrinsaday

|

Kismaayo (KAAB) – Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa caawa Shir gudoomiyay kulan lagaga hadlayay dardar galinta howlgalada kasocda deegaanada Jubbaland ee lagu cirib tirayo kooxda Al-Shabaab ah iyadoo Madaxweynahu uu warbixin la xiriirta howlgalada socda ka dhagaystay Sarakiisha Ciidamada.

Kulanka Waxaa ka qeybgalay Wasiirka Amniga General Yusuf Osman iyo taliyayaasha Ciidamada iyo Hay’adaha amniga Jubbaland iyo Ciidamada Xooga dalka.

Madaxweynaha ayaa uga mahad celiyay shaqada adag ee ay hayaan Ciidamada kala duwan ee Howlgalka ku jira kuwaas oo jab xoogan gaarsiiyay maalmahii lasoo dhaafay kooxda Al-Shabaab.

Waxaa Madaxweynahu uu sheegay in howlgalada ilaa hada la sameeyay laga gaaray guulo wax ku ool ah oo ay ku diirsadeen shacabka loona baahan yahay in lasii joogteeyo si cadowga la isku raaciyo.

Madaxweynaha ayaa shacabka ree Jubbaland ugu baaqay inay garab istaagan Ciidamada howlgalada ku jira oo u dhimanaya una dhaawacmaya sidii Al-Shabaab looga hor wareejin lahaa shacabka ay dhibka ku hayaan.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News