SO | EN

SO | EN

Axmed Madoobe oo Xasan Sheekh ku eedeeyay in xal laga gaari waayo khilaafaadka

|

KISMAAYO (Kaab TV) – Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta si kulul ugu jawaabay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isaga oo ku dhaliilay hadallo iyo ficillo hore oo uu sameeyay, kana codsaday “in uu dib u dhageysto hadalladiisii hore”.

Axmed Madoobe oo ka hadlayay munaasabad ka dhacday magaalada Kismaayo ayaa sheegay inuu isku dayay inuu dib ugu soo celiyo hoggaamiyaha Puntland wadahadallada Madasha Wadatashiga Qaranka (NCC), balse Madaxweyne Xasan Sheekh uu “diiday” in la gaaro is-afgarad ku saabsan arrimaha muranka dhaliyay sida doorashooyinka federaalka ah iyo dib-u-eegista dastuurka.

“Haddii qof walba joogi karo, maxaan u diidnay Farmaajo?” ayuu yiri Axmed Madoobe.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News