SO | EN

SO | EN

Baadari Kenyan ah oo dadka ka dhaadhicin jiray inay gaajo isku dilaan oo lagu oogay 191 kiis

|

NAIROBI (KAAB TV) – Hogaamiyihii urur diimeedka Kenya, Paul Mackenzie, ayaa si rasmi ah loogu soo oogay dacwad dil ah ka dib markii la heley in ka badan 400 oo meyd ah oo lagu aasay keymo fog oo ku yaalla gobolka bari ee Kenya.

Dhacdadan murugada leh ayaa argagax gelisay bulshooyinka waxaana ay dhalisay baaritaan xooggan oo lagu sameeyay kiiska baadarigan Mackenzie.

Mackenzie ma ahayn baadari kaniisadeed oo kaliya ee wuxuu ahaa nin dadka u sheegi jiray inay u diyaargaroobaan la kulanka “Illaah” isagoo dadka ka dhaadhicin jiray inay gaajo isku dilaan si ay dhakhso u dhintaan.

Dadkii ka badbaaday iyo qoysaska dadka dhintay ayaa la yimid marag-madoonyo naxdin leh, iyaga oo iftiiminaya dhacdooyinka lagu eedeeyay ee ka dhex jiray goobta kaniisadda uu maamulayey Mackenzie oo lagu magacaabo Good News International (GNI).

Warbixinadu waxay sheegayaan in Mackenzie uu ku dhiirigeliyay xertiisa inay soomaan, oo aysan muddo waxba cunin waxna cabin si ay ka dib gaajo ugu dhintaan. Ujeedka ayaa ahaa, sida la sheegayo, inuu dadka u sheegay inay dhakhso ula kulmi doonaan “Nabi Ciise ama Ciise Masiix”.

Dadka wax faalleeya ayaa sheegay in sheegashooyinka noocan oo kale ah ay bixinayaan sawir naxdin leh oo ku saabsan wax-is-daba-marin iyo ka faa’iidaysi dadka nugul iyo kuwa caqli ahaan aan isku filneyn sida caruurta ee yimaada kaniisadda.

Kuwa ka badbaaday dhacdooyinkan ayaa daboolka ka qaaday waxyaabo cabsi leh iyo argagax ay kala kulmeen kaniisadda Good News International (GNI).

Iyada oo laga jawaabayo culayska eedeymaha, Xafiiska Xeer Ilaalinta Guud ee Kenya (ODPP), oo uu hoggaaminayo kaaliyaha Xeer Ilaaliyaha Victor Mule, ayaa si adag uga soo horjeestay in baadariga Mackenzie iyo dadka lala soo eedeeyay lagu sii daayo dammaanad.

Mule ayaa carrabka ku adkeeyay sida ay u adag tahay kiiska, isagoo tilmaamay muhiimada ay leedahay in la hubiyo in tuhmanayaasha ay sii xirnaadaan inta laga gaarayo go’aanno kale oo sharci ah.

Eedaysanayaasha Mackenzie, oo ay ku jiraan Smart Mwakalama, Stephen Muye, iyo kuwa kale oo xiriir la leh kaniisadda Good News International (GNI), ayaa sidoo kale wajahaya eedeymo la xiriira gabood-fallada ka dhacay kaynta lagu qariyay meydadka ka dib markay dhinteen.

Dadka uu gaajada iyo soonka beenta ah ku dilay waxaa ku jira carruur yar, oo qaarkood la sheegayo in la ceejiyay ka dib markii ay deg deg u dhiman waayeen.

Si kastaba ha noqotee, dhageysiga dacwadaha iyo eedeymaha argagaxa ay sameeyeen Mackenzie iyo asxaabtiisa ayaa sii socda iyadoo ay soo baxayaan markasta eedeymo culus oo dheeraad ah.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News