MUQDISHO (KAAB TV) – Waxaan halkan idinkugu soo gudbinaynaa warbixin baaritaan uu sameeyay suxufiga Cabduqaadir Ciise oo ka tirsan suxufiyiinta ka hawlgala warbaahinta dowladda Soomaaliya.
Baaritaankan ayaa daaha ka qaadaya xiriiro isku dhex qasan oo qoyseed oo ka dhexeeya Wasir ku Xigeenka Warfaafinta, Cabdiraxmaan Yuusuf Al Cadaala iyo ku xigeenka madaxa kooxda qaraxyada Shabaab ee Yaxye Axmed Maxamuud (Yaxye Buur) oo ah abtigiis la dhashay hooyadiis.
Musuqa, ku takrifalka awoodda Wasaaradda, lunsasho hanti, boob iyo hagardaamooyin sababay in suxufiyiin badan dhiigooda la baneysto ayaa sidoo kale baaritaanku daaha ka qaaday.