MUQDISHO (Kaab TV) – Waxaa meeshii ugu sarreysay gaaray boobka dhulalka danta guud, xarumihii wasaaradaha iyo kuwii ciidamada.
Waxaa sidoo kale lala wareegay dhulalkii bangiga, waxbarashada iyo xitaa masaajiddo.
Haddaba yaa ka dambeeya oo maalgalinaya boobka hantida ma guurtada ee ummadda Soomaaliyeed ka dhexeysay?
Warbixintan ayaan ku sheegaynaa qaar ka mid ah shirkadaha, ganacsatada iyo siyaasiyiin ku lugta leh.