SO | EN

SO | EN

Baarlamaanka Puntland oo bilaabay dib u eegista xisaab xirka miisaaniyadda 2024

|

GAROWE (Kaab TV) – Golaha Wakiilada Dowladda Puntland ayaa Khamiistii bilaabay dib u eegista xisaabxirka Miisaaniyadda Dowladda Puntland ee sannadkaan 2024, iyadoo Wasiirka Maaliyadda Puntland uu sheegay in 99% ku talagalka miisaaniyadda la gaaray.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, Cabdirisaaq Axmed Saciid, oo uu wehelinayo Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad, Maxamed Maxamuud Ciise, ayaa shir-guddoomiyey fadhiga 21-aad ee kalfadhiga 56-aad ee Golaha Wakiillada.

Fadhiga Khamiistii waxay Xildhibaannada Golaha ayaa cod aqlabiyad leh ku oggolaaday in la soo hormariyo gudbinta 𝐱𝐢𝐬𝐚𝐚𝐛-𝐱𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐦𝐢𝐢𝐬𝐚𝐚𝐧𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝟐𝟎𝟐𝟒.

Miisaaniyad sanadeedka 2024 ee Puntland ayaa sannadkan gaartay $387,550,700, iyadoo sannadkan ay korodhay 3%.

Wasaaradda Maaliyadda Puntland ayaa sheegtay in adeegyada amniga, mushaharaadka ciidamada, shaqaalaha dowladda, maamul daadejinta iyo adeegyada bulshada ee aas-aasiga ay yihiin meelaha ugu badan ee kharashku ku baxayo.

Waxaa hoos u dhacay deeqihii ay Puntland ka heli jirtay mashaariicda soo mara Dowladda Federaalka Soomaaliya sababo la xiriira khilaafka siyaasadeed ee sanadan u dhexeeyay Garowe iyo Muqdisho.

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland Maxamed Faarax ayaa hortagay Golaha, isagoo jeediyey khudbad ku saabsan Xisaab-xirka Miisaaniyadda sannadka 2024, taasoo waafaqsan Qodobka 137 ee Dastuurka Puntland iyo Qodobka 64aad ee Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada, kuwaas oo si cad u qeexaya habraaca gudbinta iyo ansixinta Xisaab-xirka Miisaaniyadda.

“Qoondada miisaaniyadda 2024 oo aysan ku jirin deeqaha Bangiga Adduunka ayaa u qoondeysnaa USD 121,235,394 oo ka kooban dakhliga gudaha iyo kabka miisaaniyadda,” ayuu yiri Wasiir Maxamed Faarax.

Dakhliga gudaha ee sannadkan Puntland ayaa ku talagalku ahaa USD 98, 826, 834, sida wasiirku sheegay.

Tan ayaa ka dhigan in ku talagalka Miisaaniyadda 2024 ee Dowladda Puntland la gaaray 99%.

Imisaa soo xarootay sannadkan?

Wasiirka Maaliyadda Puntland ayaa sheegay in dakhliga sannadkaan u soo xarootay Puntland dakhliga gudaha wuxuu dhan yahay USD 98, 809, 207, iyadoo is-dhinku dhan yahay USD 17,627.

Mudanayaasha Baarlamaanka Puntland oo ka doodaya dib u eegista xisaab xirka miisaaniyadda 2024.
Mudanayaasha Baarlamaanka Puntland oo ka doodaya dib u eegista xisaab xirka miisaaniyadda 2024.

Wasaaradda Maaliyadda ayaa Xisaab-xirka ku wareejisay Guddiga Maaliyadda, Dhaqaalaha iyo Xisaabaadkaee Golaha Wakiilada Puntland.

Guddiga ayaa la filayaa inay ku samayn doonaan akhrinta labaad xisaabxirka. Waxaa la filayaa inay Golaha dib ugu soo celiyaan 29-ka Luulyo 2025, si dood iyo go’aan rasmi ah loogu gaaro.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News