SO | EN

Baarlamaanka Puntland oo magacaabay Gudi tala bixin ku sameeynayo dastuurka Puntland

|

Garoowe (Kaab TV) – Guddoomiyaha Barlamaanka Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa magacaabay guddi ka kooban  5  xubnood oo ka soo talo bixiya wax ka bedel lagu sameynayo dastuurka.

Guddoomiyaha barlamaanka ayaa sheegay in Madaxweyne Deni uu usoo gudbiyay soo jeedinta ku saabsan in dastuurka wax laga beddelo.

Guddigan uu magacaabay ayaa ka doodi doona wax-ka-beddelka dastuurka Puntland ee ay Xukuumaddu soo jeedisay, kadibna waxay warbixintooda usoo gudbindoonaan Golaha Wasiirada Puntland .

Halkaan  Hoose ka akhriso guddiga loo saaray dasuurka.

  1. Xil. Sharmarke Cali Cilmi ( Guddoomiye)
  2. Xil. Maxamed Cabdi Faarax ( Xubin)
  3. Xil. Ismaaciil Cabdi Abtiile ( Xubin)
  4. Xil. Cabdiraxmaan Cali Jibriil (Xubin)
  5. Xil. Maxamed Cabdi Warsame (Xubin)

Golaha wasiirrada Puntland ayaa maalintii khamiista ahayd ee Todobaadkii la soo dhaafay meel mariyay in la kordhiyo tirada ururada siyaasada si taas loo gaaro ayay lagama maarmaan u noqotay madaxda xilalkaka  heysa puntland in isbedel ay ku sameeyaan dastuurka kumeel gaarka ah ee Puntland.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News